Marka Hore Aanu Samayno Saxeexa Xiddigan Kaddib La Wareega Paul Pogba!! – Man United Oo Shuruud Cusub Ku Xidhay Real Madrid & Xiddiga Hawl-Galka Fududayn Kara.

Heshiiska uu Paul Pogba kaga baxayo Manchester United isla markaana ay ku doonayaan kooxaha Real Madrid iyo Juventus ayaa ah mid markasta iyo maalin kasta meel kale ka aloosan waxaana haatan banaanka la keenay war cusub.

Kooxda ree Spain ayaan haatanba wax qoomamo ah qabi doonin haddii suuqu sidan kaga xidhmo waxaana ay soo sameeyeen saxeexyada shanta xiddig ee kala ah Eden Hazard, Ferland Mendy, Rodrygo, Eder Militao iyo Luka Jovic

Real ayaa xilli suuqan doonaysa inay Pogba ka wadato Manchester si uu u noqdo saxeexeedii ugu dambeeyay ee weyn isla markaana ay qayb kaga dhigayso ololaheeda is xoojinta ee xagaagan.

Wargeyska Marca ayaa haatan keenay sheeko cusub oo ah in Man United ay shuruud cusub hordhigtay Real Madrid taas oo ah inay marka hore gacanta kusoo dhigaan saxeexa Milinkovic-Savic si ay Pogba ugu ogolaadaan.

Man Utd Real Madrid Sergej Milinkovic Savic Paul Pogba

Milinkovic-Savic ayaa marka horaba bar-tilmaameed usoo ahaa Manchester iyadoo tababarihii shaqada laga fasaxay ee Jose Mourinho uu hore ugu soo arkayay bedelka ugu haboon ee Pogba.

Madaxda haatan ee kooxda iyo tababare Ole Gunar Solskjaer ayaa u muuqda kuwo dib usoo min-guurinaya xiisihii ay kooxdoodu u qabtay saxeexa khadka dhexe ee xulka Serbia.

Warbixintan ayaa intaas ku daraysa in Real aysan doonayn inay wax dagaal ah Man United kula gasho saxeexa Pogba maadaama oo ay kooxdan Premier League ah u arkaan kuwo saaxiib la ah.

Si kastaba ha ahaatee, Pogba ayaa maanta kusoo baxay liiskii xiddigaha kooxdiisa ee u safrayay dalka Australia si ay uga soo ciyaaraan kulamada saaxiibtinimo ee ka horreeya xilli ciyaareedka isaga oo la safraya.