“Marka Garoomada Ku Laabta La Leeyahay Waxa Naloola Dhaqmayaa Sidii Inaan Nahay Jiirarka (Dooliga) Lagu Tijaabiyo Xanuunada”

Daafaca bidix ee kooxda Newcastle United ee Danny Rose oo horena u hadlay ayaa markale meel adag iska soo taagay qorshaha dib loogu bilaabayo horyaalka Premier League oo toddobaadyadii ugu dambeeyay qaban-qaabadiisa la waday.

Xiddigan heer caalami ee xulka qaranka England ayaa ka qayb galay barnaamij uu qabanayay bogga Lockdown Tactics oo ay wadeen weeraryahankii hoe ee Scotland Kris Boyd iyo khadka dhexe ee West Ham ee Robert Snodgrass.

Newcastle United Sign Danny Rose: A Deep Dive - Coming Home Newcastle

Rose ayaa sheegay inuu aad u doonayo oo uu xataa u dhimanayo si uu ugu laabto kubaddii cagta isla markaana uu ogsoon yahay in dadku ay xaalad isaga ka adag marayaan wakhtigan uu dunida go’doonka galiyay xanuunka Korona.

Laakiin Rose ayaa sheegay in marka ciyaartoyda la leeyahay ku laabta garoomada oo xaaladu siday tahay hala arko loola dhaqmayo sida jiirarka shaybaadhada (Lab Rats) ee lagu tijaabiyo maadooyinka kala duwan.

Danny Rose oo aragtidiisa dhiibanaya ayaa yidhi “Waxaan u dhimanayaa inaan ku laabto kubadda cagta, waan ogahay in dadku sida iska cad ay wakhtigan xanuunka Korona Fayras marayaan si aniga in badan iga xun, sidaas darteed ma doonayo inaan halkan joogo aniga oo wax ka cabanaya”

“Laakiin kaliya xaqiiqada ah in dadku ay soo jeedinayaan inaan ku laabano kubadda cagtu, asal ahaan waa sidiiyoo aanu nahay Gunie Pigs (Nooc kamida jiirka oo doofaar u muuqaal eeg) iyo jiirarka shaybaadhada, in aanu ku laabano wajigan oo aanu aragno haddii ay shaqayso”

Rose ayaan ahayn ciyaaryahankii ugu horreeyay ee kasoo horjeeda in kubadda cagta England dib loo bilaabo balse waxa ka horreeyay xiddigo badan oo ay ugu dambeeyeen kabtanka Watford ee Troy Deeney iyo ciyaaryahano badan oo kooxdaas ah.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook