Marka Ay Kubaddu Lugtiisa Gasho Fursadda Uu Gool Ku Dhalin Karo Way Sarraysaa – Tababaraha Barcelona Oo Ka Hadlay Wacdarihii Lionel Messi Ee Xalay Iyo Goolkii Uu Ku Badbaadiyey

Advertisements

Tababaraha cusub ee Barcelona, Quiquie Setien ayaa ka hadlay guushii uu xalay kula bilowday Barcelona, taas oo uu u horseeday Lionel Messi oo kulan ay ku dhibaatoodeen gool madi ah ku siiyey saddexda dhibcood.

Setien waxa uu qiray in Granada ay soo bandhigtay ciyaar adag oo ay jabin kari waayeen daafacooda, hase yeeshee markii uu soo galay Arthur uu isbeddel badan dhacay laakiin ay gacan ka heleen garsooraha oo kaadh cas siiyey mid ka mid ah xiddigihii dhuunta u galay ee ka hor taagnaa goolka.

“Marka kooxuhu ay xaggooda dambe xidhaan, way adag tahay inaad hesho jid aad marto, waa se inaad raadiyo si kale oo aad ku dhaawici karto. Mararka qaarkood waxaad ciyaaraysaa kubbad gaagaaban mararka qaarkoodna kuwo dheer.” Ayuu yidhi.

Tababare Setien waxa uu sheegay inay dib u daawan doonaan rikoodhkii baasaska ahaa ee ay sameeyeen, balse waxa uu qiray in kubbad-sameeyaha reer Brazil ee Arthur oo kasoo laabtay dhaawac uu qayb laxaad leh ka qaatay goolkii ay dhaliyeen, waxaanu yidhi: “Waanu daawan doonaa sidii aanu u soconay. Xaqiiqadu waxay ahayd in qaybtii hore aanu aad u firfircoonayn. Kaddib markii uu yimid Arthur, tusaale ahaan, iyagu toban ciyaartoy ayay hoos ugu dhaceen (mid ayaa kaadh cas laga siiyey).”

Intaas kaddib waxa uu tababaruhu ammaan u jeediyey xiddiga reer Argentine ee Lionel Messi oo u dhaliyey goolka guusha ugu furay waayihiisa tababarenimo ee Barcelona, waxaanu yidhi: “Noloshiisa oo dhan ayuu tan soo samaynayay. Mararka qaarkood waxa jira kulamo la hor joogsado, kaddibna waxa uu soo bandhigaa ciyaar layaab leh. Runtii cidhib wanaagsan ayuu ka helay Arturo, waana isla ciyaartii uu sameeyey qaybta hore. Marka ay kubaddu lugtiisa gasho, fursadaha uu u haysto inuu gool dhaliyo runtii aad ayay u sarreeyaan.”

 

Advertisements