“Marka Aan Daawado Ronaldo Anigu Waan La Dhacaa, Marka Aan Daawado Messi-na Waxa Uu I Siiyaa Farxad Aniga Ahaana Kaas Ayaa Kala Duwanaanshaha Ah”

Halyeeyga ree England ee Gary Lineker ayaa ka hadlay isbar-bardhiga soo jireenka ah ee ku saabsan xiddigaha Cristiano Ronaldo oo Juventus ka tirsan iyo Lionel Messi oo Barcelona qayb ka ah isla markaana loo arko kuwa ugu wanaagsan jiilkan.

Messi iyo Ronaldo ayaa loo aaminsan yahay inay yihiin kuwa ugu wanaagsan jiilkan halka ay dad kale oo badani qabaan inay yihiin kuwa ugu fiican taariikhda kubadda cagta.

Laga yaabaa in taageerayashii Pele iyo Messi ay dood ka qabaan arrintaas balse waxaan hadal ka taagnayn tirooyinka Messi iyo Ronaldo ee min tobbankii sano ee ugu dambeeyay.

Tusaale ahaan haddii doodoodu ay tahay mid ku salaysan goolasha ayaysan wax badani u dhaxayn labadan xiddig, Messi ayaa 603 gool kusoo dhaliyay 687 kulan halka Ronaldo uu 601 gool kusoo dhaliyay 806 kulan.

SIDOO KALE AKHRISO:  Faahfaahin Dheeri Ah Oo Ka Soo Baxday Dalabkii Ugu Danbeeyay Ee Barcelona Ay Ka Gudbisay Xiddiga PSG Ee Neymar

Si kastaba, Gary Lineker oo wax laga weydiiyay xiddiga ugu fiican abid kubadda cagta ayaa sheegay in Messi uu farxad ka helo daawashadiisa isla markaana uu la dhaco qaab ciyaareedka Ronaldo taasna uu ka dhex arko kala duwanaanshahooda.

Lineker ayaa yidhi “Messi ayaa ah midka ugu fiican, Anigu waan jeclahay labadoodaba laakiin haddii aad Twitter-ka ku tidhaahdo ‘Kaasi waa gool aan caadi ahayn oo ka yimid Cristiano Ronaldo-hii cajiibka ahaa’ jamaahiirta Messi ayaa ku qabsanaya”

“Laakiin haddii aad wax wanaagsan ka tidhaahdo Messi taas oo ah wax aan in badan sameeyo sababtoo ah isagu waa mid u qalma, Jamaahiirta Ronaldo ayaa ku qabsanaya”

SIDOO KALE AKHRISO:  Lionel Messi Oo Ku Guuleystay Abaalmarinta Goolkii Ugu Fiicnaa Xilli Ciyaareedka Ee Yurub (Daawo Goolka)

Intaa kaddib Lineker ayaa Ronaldo ku sifeeyay ciyaartoyga kubaddaha sarre ee madaxa lagu dhaliyo abid midka ugu wanaagsan ee uu arkay iyo waliba gool dhaliyaha ugu fiican abid.

Dhinaca kale halyeeyga ree England ayaa Messi ku sheegay gool dhaliye wanaagsan, Baasyahanka ugu fiican iyo midka gambiska ugu wanaagsan yaqaana.

Lineker ayaa hadalkiisa kusoo xidhay “”Marka aan daawado Ronaldo anigu waan la dhacaa, Marka aan daawado Messi waxa uu i siiyaa farxad aniga ahaana kaas ayaa kala duwanaanshaha ah”