Marcus Rashford Oo U Muuqda Mid Real Madrid U Adeegsanaya Sidii Uu Kabtanka Kooxdaas Ee Sergio Ramos U Adeegsaday Manchester United Sanado Kooban Kahor!!.

MANCHESTER, ENGLAND - APRIL 15: Marcus Rashford of Manchester United in action during the Premier League match between Manchester United and West Bromwich Albion at Old Trafford on April 15, 2018 in Manchester, England. (Photo by Matthew Peters/Man Utd via Getty Images)

Da’yarka weerarka uga dheela kooxda Manchester United ee Marcus Rashford ayaa haatan u muuqda mid wax ka baranaya xiddigaha waaweyn ee kubadda cagta waxaana uu haatan doonayaa inuu kooxdiisa Man United mariyo wado uu Ramos mariyay Real Madrid sanado kahor.

Marcus ayaa kamid ah dheemantii ugu dambaysay ee kasoo najaxday akaademiyada Man United waxaana uu qanciyay jamaahiirta kooxdiisa iyo kuwa xulkiisa England isaga oo jira da’da 21 sano.

Looking good in white | Marcus Rashford of England.

Bandhigyadiisa wacan ayaa dhaliyay in kooxo badan oo qaarada Yurub ah ay si dhaw ula socdaan horumarkiisa iyo talaabo kasta oo uu qaado waxaana kooxahaas kamid ah Real Madrid oo maalmihii ugu dambeeyay lala xidhiidhinayo.

Maamulka kooxda ayaa isku dayayay inay Rashford si farsamaysan u maareeyaan sanadihii ugu dambeeyay iyaga oo siinayay fursad uu ku ciyaaro walow uusan marnaba boos joogto ah helin haddana waxa uu haatan u muuqdaa mid samirkii ka yaraaday aaminsana inuu u qalmo wakhti intaa ka badan.

Sida ay kusoo warramayaan warbaahinta kala geddisan ee dalka England, Wakiilka xiddigan ayaan ku faraxsanayn sida horumarka xiddigiisu uu uga hoos socdo Jose Mourinho waxaana uu wadahadlo la yeeshay Real Madrid.

Xiddigan qudhiisa ayaan doonayn inuu marnaba ka tago kooxdiisa carruurnimo balse waxa uu doonayaa inuu booskiisa kooxda ku dhacsado xiisaha uga imanaya caasimada Spain.

Talaabadaas ayaa ah midii uu qaaday Sergio Ramos sanado kooban kahor markaas oo uu Los Blancos dareensiiyay inuu ku biirayo Manchester balse ugu dambayn lagu abaalmariyay heshiis cusub oo mushaharkii uu doonayay lagu siiyay.

Tababaraha xulka England ee Gareth Southgate ayaa la fahamsan yahay inuu Rashy siiyay talooyin dhawr ah oo uu u sheegay inuu kooxdiisa boos ka helo si uu isna boos joogto ah uga siiyo xulka.