Marcos Alonso Oo Dabka Kusii Shiday Kulanka Adag London Derby Ee Chelsea Iyo Tottenham, Isaga Oo Ka Hadlay Sida Ay Muhiim Ugu Tahay In Ay Guul Ka Gaadhaan Spurs.

Xidiga xulka qaranka Spain iyo kooxda Chelsea Marcos Alonso ayaa wuxuu ka dhawaajiyay in Blues ay muhiim u tahay in ay garaacdo Tottenham Hotspur, kadib mar ay bari oo Axad ah isaga hor imaanaadaan kulan ka tirsan kulamada 31-aad ee horyaalka Premier League-ga.

Chelsea ayaa kaalinta shanaad kaga jirta dhanka kala sareynta horyaalka Premier League, waxayna leedahay 56 dhibcood, shan dhibcood ayay ka hooseysaa Tottenham, waxayna labada kooxoodba doonayaan inay boos ka helaan Champions League xilli ciyaareedka soo aadan.

Marcos Alonso ayaa kahor kulanka bari ay Tottenham ku soo dhaweyn doonaan Stamford Bridge wuxuu la hadlay saxaafada wuxuuna yidhi: “Waxba ma xaqiijin karno, ilaa iyo aan ka cadeeneyno, balse u soo gudbida Champions League waa ay adagtahay, hadii aan kulankan guuldareesano”.

Alonso ayaa wuxuu  hadalkiisa intaas kusii daray: “Waxaa hubaal ah inay muhiim inoo tahay inaan guul gaarno kulankan, waa inaan dagaalanaa ilaa iyo dhamaadka ciyaarta, si aan u gaarno ujeedooyiinkeena oo idil”.

Tottenham Hotspur ayaan wax guul ah kaga soo gaarin kooxda Chelsea meel ka baxsan garoonkeeda tan iyo sanadii 1990-kii, laakiin Tottenham uu hogaaminayo macalinkeeda reer Argantina ee Mauricio Pochettino, ayaan guuldareesan kulamada Premier League inta lagu gudi jiro sanada 2018.

Hadaba Marcos Alonso oo ka hadlayay Taariikhdan ayaa wuxuu yidhi: “Uma maleynayo in waxa laga soo tagay uu saamayn ku yeelan doono waqtigan, ma jecli tirokoob-yada, waxaan u maleenayaa in kulankan uu ka duwanaan doono kulamada kale”.

Si kastaba Tottenham ayaa laga yaabaa inay dhibaato ka qabsato dhanka weearka sababa la xidhiidha in wali Harry Kane shaki la galinayo maadaama uu dhaawac dhanka canqawga ah kaasoo gaaray kulankii Bournemouth ee horaantii bishaan, waxaana la qiimeyn doonaa xaaladiisa ciyaarta ka hor.

1 Comment

  1. Kulanka wa mid iska cad blues aya gusha leh weli 2:0 waye golashana wa morata and hazard hora u dawaday ciyartan lolz

Comments are closed.