Marco Verratti Oo Albaabada U Furay Kooxaha Man United, Real Madrid Iyo Juventus, Kadib Kulan Uu La Qaatay Macalinka Cusub Ee PSG Thomas Tuchel.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Talyaaniga Marco Verratti ayaa ka fiirsanaya inuu ka tago kooxdiisa reer France ee Paris Saint-Germain, sababa la xidhiidha kulan gaar ah uu la qaatay tababaraha cusub ee PSG Thomas Tuchel.

Wargeyska “Football Italia” ee dalka Talyaaniga ayaa wuxuu xaqiijiyay in macalinka cusub ee kooxda Paris Saint-Germain Thomas Tuchel uu kulan gaar ah la qaatay maalmo ka hor, wuxuuna ka dalbaday xidigiisa khadka dhexe inuu dhimo miisaankiisa.

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo Marco Verratti ayaan la dhicin kulanka uu la qaatay Thomas Tuchel, wuxuuna albaabada u furay inuu ka dhaqaaqo garoonka Parc des Princes, wuxuuna durbabab bilaaway wakiilkiisa Mino Raiola in uu raacdo u galo kooxda uu u dhaqaaqi lahaa Verratti.

Hadalkan kasoo yeeray Marco Verratti ayaa waxay farxad galineysaa kooxaha waaweyn ee qaarada yurub sida Manchester United, Real Madrid iyo Juventus oo dhamaantood wada xiiseenaya adeega khadka dhexe reer Talyaani.

Thomas Tuchel ayaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay macalimiinta adag marka loo eego ciyaartoyda ay leeliyaan, waxaana ka go’an inuu dheeli tir ku sameeyo nidaamkooda cunista mana u dulqaadan doono ciyaaryahan kasta ee aan ku soconin qorshihiisa.

Tuchel ayaa imaatinkiisa kooxda Paris Saint-Germain wuxuu markiiba ka bilaaway Marco Verratti uu ku war galiyay in miisaankiisa uu xoogaa ka lumiyo, si uu qaab ciyaareed fiican u bixiyo xili ciyaareedka soo aadan.