“Mar Waan Doonayay Inaan Barcelona Ka Tago Laakiin………” – Lionel Messi Oo SIR CULUS Shaaca Ka Qaaday & Sababtii Barca Ka Kaxayn Gaadhay Oo Uu Sheegay.

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa shaaca ka qaaday xog xasaasi ah oo ku saabsan mar uu isku dayay inuu iskaga hayaamo kooxdiisa iyo waliba sababihii riixayay ee ku qasbayay inuu baneeyo Camp Nou.

Messi ayaa mudo dheer soo ahaa hoggaanka kooxdiisa isaga oo haatan mudo ah kabtanka rasmiga ah ee kooxdaasi kaddib bixitaankii Andres Iniesta oo xilkaas hayay.

Sida uu shaaca ka qaaday, Leo ayaa ku fikiray inuu iskaga tago Barca sanadihii 2013 iyo 2014 isaga oo sheegay in sababta eryaysay ay ahayd cadaadiska kaga imanayay waaxda canshuuraha ee Spain.

Messi ayaa si cadaan ah u sheegay inuu albaabada u furay kooxo badan oo uu u wareegi karayay balse aysan cidina dalab kasoo gudbinin maadaama oo la ogaa sida uu Barcelona ugu haboonaa.

32 jirkan oo arrimahaas ka faaloonaya ayaa yidhi “Waxa jiraya wakhtiyo uu qofku ugu dambayn daalayo, Xiiqayo sababtoo ah caqabadaha”.

“Waxay i qabsatay dhawr jeer gaar ahaan 2013-14 markii aan bilaabay inaan dhibaato ku qabo keydka federaalka, Waxay ahayd mid adag”.

“Waxaan dareemay in si aan wanaagsanayn la iila dhaqmay markii dhammaan qaskaasi dhacay, Waxaan tixgelinayay bixitaan, Maaha inaan Barca ka tago balse inaan ka tago Spain”.

“Albaabka ayaan u furay kooxo badan laakiin waligay maan helin dalab khaas ah sababtoo ah waa la ogaa inaan ku wanaagsanaa Barcelona”.