XOG: Maxay Ciyaartoyda Ugu Fiicani Uga Baxsanayaan Kooxaha Premier league Ugu Waa Wayn? Ma Mushaar Yaraan Mise Sabab Kale?

Horyaalka Premier League waxaa loo aqoonsan yahay in uu yahay horyaalka ugu soo jiidashada badan daawashada jamaahiirta kubbada cagta aduunka, wuxuuna ku calaamadsan yahay horyaalka ugu dhaqaalaha badan Yurub.

Horyaalka Premier League ayaa ah kan ugu adag horyaalada Yurub ama aduunka marka la tixgaliyo in lix kooxood oo awood badani ay sanad kastaba dagaal adag galaan, halka horyaalada kale ee Yurub uu koobku ku kooban yahay hal koox ama laba kooxood.

Haddana iyada oo ay wax aan soo sheegnay oo dhami jiraan waxaa la ogyahay in kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ay noqdeen labada kooxood ee lafta dhuunta gashay ku noqday ciyaartoyda ugu fiican ee horyaalka Premier league.

Waxa aanu shaki ku jirin in Real Madrid iyo Barcelona yihiin laba kooxood oo ay inta ugu badan ciyaartoyda kubbada cagtu ku riyoodaan in ay ka ciyaaraan, waxayna u muuqataa in sababta ay kooxaha Premier league u lumiyaan ciyaartoyda ugu fiicani ay tahay sababta saamaynta labadan kooxood.

Ciyaartoyda kubbada cagtu waxay ku kala duwan yihiin hamiga ay ka leeyihiin kubbada cagta, waxay qaar ka mid ahi ku faraxsan yihiin in ay lacag badan oo noloshooda ah ka sameeyaan kubbada cagta iyaga oo eega halka ay lacagta ugu badan ka helayaan.

Qaar kale ayaa waayahooda ciyaareed ka horaysiiya lacagta ay heli karaan waxayna ka doortaan kooxo aan dhaqaale ahaan wax badan siinayn balse ay koobab kula guulaysan karaan ama ay magac ahaan sare ugu sii kici karaan.

Maxay Yihiin Sababaha Ay Kooxaha Waa Wayn Ee Premier league Ciyaartoydooda Ugu Fiican Ugu Luminayaan Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid?

Eden Hazard ayaa ku biiray liis dheer oo ah magacyada ciyaartoy kooxaha waa wayn ee Premier league ka soo ciyaaray kuwaas oo ku biiray Real Madrid ama Barcelona, waxaana marar badan lays waydiiyaa sababaha dhabta ah ee keena hayaanka ciyaartoyda Premier league ee La Liga.

Ugu horayn sabbata ugu wayn ee keenta hayaanka ciyaartoyda magac wayn ku leh kooxaha Premier league ee Spain ayaa ah saamaynta ay aduunka ku leeyihiin Real Madrid iyo Barcelona taas oo maskax ahaan ciyaartoyda u qabsatay markii ay da’yarka ahaayeen.

Shaqsi kastaaba waxa uu ku hamiyaa waxa uu jeclaa carruurnimadiisii waana sababta ay ciyaartoy badani ugu riyoodaan in ay Real Madrid iyo Barcelona ku qaataan qayb waayahooda ciyaareed ka mid ah, waana mid ka mid ah sababaha ay kooxaha Premier leauge dhibane ugu noqdeen labadan quwadood.

Mar labaad waxay ciyaartoyda ku biirta Real Madrid iyo Barcelona hubaal u arkaan in ay koobab kula guulaysan doonaan kooxahan maadaama oo ay yihiin labada kooxood ee ugu dhawaan xili ciyaareed kastaba sida toos ah ugu tartama koobabka maxaliga ah.

Riix 2,3 si aad warbixinta oo dhan u akhrisato.

3 Comments

  1. Waxa ay xidiguhu ugu ordaan spain waa horyaal anu tartan adag ka jirin oo koobabka maxaligu dhexyaalo real iyo barca oo kaliya lana ogyahay midkood inu ku guuleysanayo halka premier league aan la saadalin karin waxa dhici kara xili ciyaared walbana kooxuhu koobabka isku wareejiyan xidiguhuna koobab aan dariiq adag loo marin iney ku guuleystan ayey iska caashaqan wana ta keentey in premier league ka doortan spain

  2. Si kasta oo ay isu qarashgareyaan una dadaalaan kooxaha EPL, uma malaynayo inay gaadhayan heerka Real & Barca magac ahaan iyo miisaan ahaanba

  3. Muran kama in isugaynta lixda kooxood ee ugu waawayn premiershipka aanay awood ku gaadhayn labadan koooxod barcelona iyo real madrid caddayn buuxdana waxa u ah natiijoyinka tartamada yurub ee ay ku kulmeen tusaale ahaan tobankii sanno ee ugu dambeeyay 26 jeer ayay kooxaha spanishka iyo kooxaha ingiriiksu ku kumeen wareegyada bugbaxda ah tartamada yurub 22 ka mid ah spanishka ayaa guulaystay

Comments are closed.