MAQAAL: Afar Waxyaabood Oo Uu Ernesto Valverde U Baahan Yahay In Uu Wax Ka Qabto Ka Hor Kulanka Atletico Madrid Si Aanu Ceebtii Real Betis Oo Kale U Soo Gaadhin.

Kooxda Barcelona ayaa wali ah hogaamiyaasha horyaalka La Liga inkasta oo ay ceeb iyo waji gabax kala soo kulmeen kulankii ugu danbeeyay ee Real Betis laakiin waxa walwalka ugu wayn ku haya jamaahiirta kooxda Barcelona ayaa ah in kulanka soo socdaa uu yahay mid ka sii adag kulankii Real Betis.

Barcelona ayaa la ciyaari doonta kooxda Atletico Madrid oo ay hal dhibic oo kaliya ka sareeyaan marka laga soo laabto kulamada caalamiga ah, waxayna Barcelona sidoo kale hal dhibic ka saraysaa kooxda Sevilla taas oo la micno ah in Barcelona ay hogaanka lumin karto haddii ayna Atletico Madrid guul ka gaadhin.

Barcelona ayaa 5-1 ku xasuuqday Real Madrid laakiin kulankii ku xigay ee Rayo Vallecano waxay waqtigii dhamaadka ciyaarta dirqi kaga badbaadeen guuldaro iyaga oo waliba si layaableh guul aan markii hore la filayn u soo gaadhay.

Balse kulankii Camp Nou ee Real Betis oo la filayay in soo laabashadii Lionel Messi ay wax badan badalayso, waxay Barcelona soo bandhigtay mid ka mid ah qaab ciyaareedkii kooxdeeda ugu xumaa waxayna Real Betis awooday in ay soo gaba gabaysay rekoodhkii 42ka kulan ee ayna Barca guuldarada kula soo kulmin Camp Nou ee horyaalka La liga.

Haddaba maxay yihiin Afar waxyaabood ee ay Ernesto Valverde waajibka ku tahay in uu sameeyo si uu u xaliyo dhibaatada kooxdiisa Barcelona ee ka hor kulanka adag ee Atletico Madrid?. Jawaabta su’aashan waxaad kaga bogan kartaa saddexda qodob ee hoose.

4- In Ernesto Valverde Oo Su Deg Deg Ah Xal Ugu Helo Musiibada Difaaca Kooxdiisa Ee Kulamadii Ugu Danbaysay?

Barcelona waxay si cad ugu dhibtootay kulankii Real Betis iyada oo waliba difaac ahaan u noqotay koox aan waxba joojin karin, waxayna Real Betis awooday in ay Camp Nou ku dhalisay 4 gool waana markii ugu horaysay waqti aad u dheer ee ay kooxi Camp Nou goolal sidan u badan ku dhalisay, waana sabab cadaynaysa liidashadii difaaca Barcelona.

Gerard Pique, Clement Lenglet, Sergi Roberto iyo Jordi Alaba waxay dhamaantood ku soo dhibtoodeen weerarkii deg dega ahaa ee Real Betis, waxayna awoodi kari waayeen in ay kala dhex galaan ciyaartoyda weerarka ee Betis taas oo keentay fashilkii Blaugrana.

Laakiin Valverde ayaa rajaynaya in Samuel Umtiti oo kaydka fadhiyay kulankii Real Betis isla markaana uu halis kala fogaaday in uu taam buuxa u noqon doono kulanka Atletico Madrid taas oo la filayo in ay wax badan xalin karto.

Samuel Umtiti waxa uu tan iyo markii uu Camp Nou yimid noqday xubin muhiim ah oo difaaca Barcelona shaqo badan ka soo qabtay laakiin dhaawicii soo gaadhay iyo muddadii badnayd ee uu maqnaa ayay suurtogal tahay in ay hoos u dhigto saamaynta uu markiiba kooxda ku yeelan karo..

Samuel Umtiti waxa uu haystaa waqtiga kulamada caalamiga ah in uu si xoogan uga shaqeeyo taam ahaanshihiisa buuxa taas oo Valverde iyo jamaahiirta kooxdiisa Barcelona kalsooni wayn siin karta kulanka Atletico, waana suurtogalnimo wayn oo ay Barca ku sixi karto dhaliisha difaaca kooxdeeda.

labada Qodob Ee Kale ka akhriso boggaga 2-aad iyo 4-aad.