Manchester United Oo Wali Raadineysa Difaac Cajiib Ah & Jose Mourinho oo Difaac Ka Arkaday Horyaalka Talyaaniga.

Hogaamiyaha Manchester United  Jose Mourinho ayaa gacanta galinaya qaanad kaste uu kala soo bixi karo xididg ku wanaagsan ka ciyaarista daafaca waxaana hada lagu soo waramayaa in uu haatan isha ku hayo xidiga daafac uga ciyaara  Fiorentina  ee Nikola Milenkovic.

Mourinho ayeey ka go’antahay in uu xaliyo dhibaata ka heysata kooxdiisa dhanka daafaca suuqa bisha  January  si kooxda ay ugu dagaalanto  horyaalka Eglan ama ugu yaraaan ka mid noqoshada 4 ta koxood ee sare .

Milenkovic ayaa iminka ah xidiga ugu dambeeya ee suuqa ay ka baadi goobayaan Man United hadana  20-jirkan  ayaa qeyb ka ah xidigaha ugu muhiimsan ay ku dagaalanto kooxda Fiorentina xili ciyaaredkan.

Ciyaariyahan ka heerka caalami ee qaranka Serbian ayaa haatan u umuuqda xidig ku jira qorshaha  Mourinho waxaana xusid mudan in loo diri doono indha indheeyayaal sood aawada ciyaaraha  UEFA Nations League  gaar ahaan kulanka ay  Serbia wajihi doonto Montenegro Qamiista soo socota .

Milenkovic waa da’yar aan kulamo badan u safanin qarankiisa waxana uu ka soo muuqday xciyaaraha xulkiisa qaranka kaliya 7 safaso tan iyo markii xulka uu ka mid anoqday isaga oo aad u da’ yar.

Mourinho ayaa la ogayahay in uu aad ujecel yahay hab dhaqanka kubada  iyo dheelistooda gudaha garoonka xidigaha ka soo jeeeda Serbia waxana diirada u saarnaa labdii suuq ee lasoo dhaafay  Sergej Milinkovic-Savic waxana sidoo kale uu safkiisa United uu ku heystaa Nemanja Matic oo ka mid ah xidigaha ugu maqaamka sareyaa kooxda ugu guulaha badan Eglan.