Manchester United Oo Ugu Dambayn Ka Tanaasuleysa Fikrada Ah In Paul Pogba Uusan Iib Ahayn, Barcelona Oo Ay Dhagtu U Taagantahay, Qiimaha Ay Red Devils Ku Fasixi Karto & Xiddiga Beddelka U Noqonaya Oo La Ogaaday.

Kooxda horyaalka Premier League ee Manchester United ayaa u muuqata mid ugu dambayn ka tanaasuleysa fikradii ay hore u qabtay ee ahayd in xiddiga kooxdeeda ee Paul Pogba uusan iib ahayn, United ayaa la filayaa inay qiimo ay ku fasixi karto u samayso xiddigan ree France warkan ayaana farxad weyn u ah Barcelona oo si weyn u doonaysay saxeexa xiddiga.

Paul Pogba oo qaab ciyaareedyo kala duwan kusoo bandhigayay Old Trafford tan iyo kusoo laabashadiisa Manchester ayaa si weyn layskugu raacay inuu ku fashilmay muujinta sababta ay Manchester United 89 Milyan uga soo bixisay sanadkii 2016.

Is qabqabsiga kasoo dhaxeeyay Jose Mourinho iyo Paul Pogba ayaa ahaa sheeko caan ah bilihii ugu dambeeyay kaddib isku dhacyo toos ah oo ay keentay bandhig xumada 25 jirkan ree France oo ciyaartiisa aysan joogto ahayn.

Haddaba, Manchester United ayaa Paul gaadhsiisay darajada ah inuusan lahayn qiimo lagu iibsan karo sababtoo ah hibada dabiiciga ah ee uu leeyahay iyo ganacsiga waalida ah ee ay kooxdu ka hesho magaciisa.

Si kastaba ha ahaatee, Wargeyska The Independent ayaa sheegaya in United ay badashay fikradeedii ahayd in Paul Pogba uusan iib ahayn isla markaana ay fikradaasi tahay mid kasii dabcaysa dhinaca United, Pogba ayaana la sheegaya inuu doonayo inuu mar labaad soo gabagabeeyo wakhtigiisa Red Devils isla markaana uu ku biiro Barcelona.

Manchester United ayaa la filayaa inay si dhab ah u qiimayn doonto dalabaadka gaadhsiisan 200 Milyan haddii uu xiddigu si toos ah kooxda ugu cadeeyo rabitaankiisa ah inuu faarujinayo Old Trafford.

Haddiiba ay dhacdo in United ay dalabkaas 200 Milyan ah ku qiimayso xiddigeeda waxa ay sidoo kale caqabad ku noqon kartaa kooxda Barca maadaama oo ay ku qasbi doonto inay bedelaan siyaasadooda haatan ee ah inay warbaahinta u adeegsadaan saxeexyada ay doonayaan iyagoo ku qasbanaan doona inay xidhiidh toos ah la sameeyaan kooxda Mourinho.

Dhinaca kale tababare Mourinho ayaa u muuqda mid aan wakhti badan iskaga luminayn sheekada Paul Pogba waxaana uu haatanba suuqa ugu jiraa ciyaartoygii beddeli lahaa, Khadka dhexe ee Lazio ee Sergej Milinkovic-Savic ayaa loo arkaa shaqsiga bar-tilmaameedka u ah tababare Mou.