Manchester United Oo Lagu Garaacay Saxeexa Da’yar MUCJISO Ah Oo Lagu Tilmaamo Lionel Messi

Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay iskaga baxday tartankii ay ugu jirtay da’yarka reer Argentine ee Thiago Almada, kaddib markii uu laabkaas yari go’aansaday inuu raaco raadka xiddiga uu ku daydo ee Carlos Tevez

United ayaa lala xidhiidhinayay in 19 jirkan ay xagaagan kala soo wareegi doonto kooxda naadiga Velez Sarsfeld ee ka dhisan Argentine, laakiin waxa tartan adag la gashay deriskeeda Manchester City oo sannadkii hore isku dayday inay lasoo wareegto balse ay isku afgaran waayeen qiimaha ay ku kala iibsanayaan.

Xiddigan yar oo lagu tilmaamo inuu qaab ciyaareedka Lionel Messi leeyahay ayay kooxdiisu ku doonaysaa inay ku iibiso lacag dhan £15 milyan, ayaa waxa hadda Manchester United dhinac iskaga riixday Man City oo da’yarkani doonayo inuu ku biiro, sida uu ku warramay wargeyska The Sun.

Carlos Tevez oo uu Thiago aad u xiiseeyo ayaa waxa uu u ciyaaray labada Manchester ba, iyadoo uu ku biiray Man United sannadkii 2007 markii uu ka tegay West Ham, waxaanu kula guuleystay laba horyaal oo Premier League ah, Champions League iyo Club World, halka uu Manchester Cityna la qaaday FA Cup iyo horyaalka Premier League.

Sida uu wargeyska The Sun qoray, Thiago Almada waxa uu xiisaynayaa inuu ka hoos ciyaaro Pep Guardiola oo uu ugu tago Etihad Stadium, iyadoo uu macallinka reer Spain qorshaysanayo inuu ku buuxiyo booska uu bannaynayo David Silva.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa xiisihiisa u leexi9naya weeraryahanka Borussia Monchengladbach ee Alassane Plea oo uu xagaagan isku dayi doono inuu keeno Old Trafford, iyadoo uu laacibka 27 jirka ah ee reer France uu xili ciyaareedkan u dhaliyey kooxdaas 10 gool iyo siddeed uu caawiyey.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook