Manchester United Oo Ku Fikireeysa Dib Usoo Celinta Zlatan Ibrahimovic Si Ay Weerarka Kooxdooda Ugu Xoojiyaan Inta Ka Dhiman Xili Ciyaaredkan.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in ay iminka ku fikireeyso Suurta galnimada ay kooxda dib ugu soo celin kartaan  Zlatan Ibrahimovic madaama xidigaha kooxda ee dhanka weeraarka ayasan qaban shaqa wacan tan iyo bilaawgii kal ciyaaredkan .

 

Wararka ka imanaya gudaha dalka Eglan ayaa baahinya in Manchester United aya qorsheeyneeyso in Zlatan Ibrahimovic  aya kusoo qaadato qaab amah ah suuqa Janaayo Si Ay Weerarka Kooxdooda Ugu Xoojiyaan  inta ka dhiman Kal ciyaareedkan.

Ibrahimovic ayaa u dhaliyay kooxda Man United  17 gool waxaana uu kooxda ka caawiyaya intii uu joogay hanashada  tartamada sida EFL Cup iyo Europa League in kastoo uu dhaawac hareeyay maalmihiisi ugu dambeeyaya ee Man United .

Zlatan Ibrahimovic  oo haatan ay da’diisa tahy 37jir ayaa waqti qurux badan ku qaadanaya  Los Angeles Galaxy isagoo u dhaliyay  21 gool taas ayaana ku riixeysa dib usoo celinta xidigan cajiibka ah ee soo maray kooxo badan ee qaarada yurub ah.

United ayaa laga warqabaa sida ay ku bilaabatay fasal ciyaareedkan 2018-19 waxaana shaki wayn ku jira kursiga shaqo ee Jose Mourinho kaas oo hada raba in uu amah kooxda ugu soo celiyo Ibrahimovic si kooxda uu u caawiyo .

 

Mourinho waxa uu maanka ku hayaa  in hab dhaqanka Ibrahimovic uu caawinaayo dhamaan xidigaha marka ay ku jiraan gudaha garoonka iyo qolka dar badalashada sababtaas oo ah waya aragnimada uu u leeyahay kubada cagata

Ibrahimovic iyo  Mourinho ayaa xili kazoo wada shaqeeyay Inter Milan ka hor inta aysan markale kuwada shaqeyn kooxda ku ciyaarta Old Trafford Sanadkii 2016.