Manchester United OO Ku Fikireeysa Soo Qaadashada Dambeedka Bidix Ee Barcelona Jordi Alba .

Camaaliqada reer Eglan ee Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in la socdaan xaalada daafaca kooxda kubada cagata ee Barcelona Jordi Alba waxana ay dareemayaan  inuu yahay saxiixa Ugu macquul san ay sameyn karaan xiligan.

Sida lagu daabacay warsidaha caanka ah Sport, United ayaa hadda bilaawday qorshaha ay ku hor marineeyso  soo qaadashada Alba waxaana ay maanka ku hayaan in ay baahi badan u qabaan adeegiisa una baahan yihin la soo saxiixashadiisa suuqa  xagaaga.

Related image

Xidigan heerka caalami ee dalka Spain ayaan weli qandaraas cusub u saxiixin Barcelona, iyadoo qandaraaskiisa haatan uu dhacayo dhamaadka sannadka 2020, waxa u muuqata inuu xiiseynayo in u tijaaabiyo loolan cusub oo ka baxasan dalka uu kasoo jeedo ee Spain.

Image result for jordi alba man utd transfer

Alba ayaa ku qaadayana  xilli ciyaareedkiisii 7aad kooxda ku ciyaarta garoonka Camp Nou, iyadoo 29 jirkaan uu yahay nuuc xidig  oo caajib ah kaas oo usaftay kooxda reer Catalan 249 ciyaarood  tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda  dabba yaaqadii sanadkii 2012.

 

Sidoo kale Dhaawac loowga Man Utd ee Luke Shaw ayaa xili ciyaredkan hadda soconaya sameynaya hormar wayn si uu unoqdo dooqa koowaad ee  daafaca bidix United , isagoo tartan kula gala boos kaasi Wayelka Reer England Ashley Young oo 34 jir ah.

Image result for ashley young and luka show

Xiisahan ayaa ku soo beeegmaya xili aysan Barcelona heeysan dambeed bidix oo ay ku badali karaan Jordi Alba hadana Dalabaadka Manchester United ayey ku xirnaan  doonan wax walba  in kastoo ay ku dhibatoon doonan helistiisa marka laga cabir qaato Sida ay san Barcelona  uga maarmin adeegiisa cajiibka ah  .

Image result for jordi alba manutd