Manchester United Oo Indhaha Ku Haysa Inay Lacago Waali Ah Dib Ugu Soo Ceshato Xidig Horay Uga Tagay.

Advertisements

Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa hadda doorbidaysa, in xagaaga kolka uu  furmo suuqa kalla iibsiga ciyaartoydda lagula kalla wareego in ay dib usoo celiso mar kalle, xiddigoodi hore oo ah haatan weeraryahan ay ku tashtaan naadiga Crystal Palace.

United ayaa xiddigan ku doonaysa haatan lacago waali ah oo gaaraya adduun lacageed dhan £70m, xiddigan u dhashay xulka Ivory Coast ayay United lasoo sixiixatay bishii January sanadkii 2013, isagoona kaliyah ku laabtay garoonka Selhurst Park 2015 ka hor inta uusan ka soo muuqan afar kullan, inta aan dib mar kalle loogu celin amaah.

Zaha isaga laftiisa ayaa doorbidaya inuu sameeyo isbedel cusub marka lagaaro xagaaga soo socdda, kooxda Everton ayaana sidaas si lamid ah ku doonaysa xiddigan inay kasoo afduubato Place, iydoo diyaar la ahayd lacago lamid ah inta ay United kudoonayso laakiinse heshiiskaas waxaa gabi ahaanba joojiyay oo laalay agaasimaha kooxda Crystal Palace ninka lagu magacaabo Steve Parish.

Sidda uu sheegayo warsidaha The Sun, Red Devils ayaa haatan hogaaminaysa tartanka loogu jiro xiddigan Zaha, waxayna sheegeen in ay diyaar la yihiin in ay dib u bixiyaan adduun lacageed gaaraya £70m marka la gaaro dib u furanka suuqa ee xagaaga soo socdda.

Advertisements

Si kastaba ha ahaatee Man united oo ay lasoo darseen xaaladdo is biirsaday ayaa rajo fiican ka qaba haatan in ay dib u tayeeyaan markalle, xiddigaha weerarka uga ciyaara kooxda shayaadiinta cas-cas.

Advertisements