Manchester United Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Odion Ighalo Oo Heshiiskiisa Amaahdu Ku Egyahay May 31 – Miyuu Ku Laabanayaa China?

Odion Ighalo waxa uu isu geyn Manchester United u ciyaaray siddeed kulan oo saddex ka  mid ah uu kusoo bilowday safka hore, waxaana uu dhaliyey afar gool iyo mid uu caawiye ka noqday, waxaanu si rasmi ah u degay qalbiga tababare Ole Gunners Solskjaer, hase yeeshee heshiiskii amaahda ahaa ee uu Old Trafford ku yimid bishii January ayaa waxa uu dhamaanayaa xilliga uu horyaalku fasaxa ugu jiro xanuunka Coronavirus.

Laacibkan reer Nigeria oo United ayaa amaahdii ay United kaga soo qaadatay kooxda Shanghai Shenhua, waxa uu ku egyahay May 31, xilligaas oo ay u badan tahay in United aanay inta ka horreysay wax ciyaaro ah yeelanin.

Sida uu qoray wargeyska Sportsmail, Manchester United waxay go’aan rasmi ah ka gaadhay laacibkan oo ay ku qanacday muddadii koobnayd ee uu joogay, waxaanay isku diyaarinayaa inay heshiis rasmi ah u beddesho amaahda uu hadda kula joogo.

Odion Ighalo ayaa Manchester United la sheegay inay kaga baxayso lacagt dhan £15 milyan oo Gini oo kaliya oo kooxda reer China ay u shabayaan, waxaana wada-xaajoodka labada kooxood uu bilaabmi doonaa wixii ka dambeeya bisha April.

Warku waxa uu sheegay in Shanghai ay diyaar u tahay inay £15 milyan ku iibiso Ighalo oo bisha June ay da’diisu noqon doonto 31 jir, laakiin Manchester United ayaa ka dalbanaysa laacibkan hore ee Watford inuu dhimo mushaharka uu qaato oo hadda usbuucii ah £300,000 Gini, uuna ka dhigo £130,000 Gini.

Manchester United oo maalintii ugu dambaysay suuqa iibka ciyaartoyga ee bishii January lasoo saxeexatay Ighalo markii ay ku fashilmeen ciyaartooyo uu ka mid yahay Josh King oo Bournemouth ka tirsan, waxa go’aanka in lagu sii hayo Old Trafford uu ka yimid tababare Ole Gunner Solskajer oo ka helay qaab ciyaareedkiisa, iyadoo uu u arkayo doorasho wanaagsan oo afka hore ah oo ku habboon la ciyaarista Martial iyo Rashford.

Ighalo ayaa isaguna hore u sheegay in uu jecel yahay inuu sii joogo Old Trafford, laakiin waxa uu tilmaamay in ka hadalka arrintaas aanay waqtigii ku habboonaa ahayn, ayna u taallo labada kooxood.

Waxa kale oo uu qirtay in uu ilaa yaraantiisii ku riyoon jiray inuu u ciyaaro Manchester United, ugu dambayntiina ay riyadaasi run u noqotay.