Manchester United Oo Diyaarineeysa Qorshe Ay Heshiiska Ugu Kor Dhinayaan Qaar ka Mid Ah Xidigaha Qandaraaskooda Uu Dhici Rabo Xiliyada Dhaw.

Kooxda ugu guulaha badan Eglan ee Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in ay dooneyso in ay bilaawdo wadahadalo ay qandaraaska  ugu kor dhineeyso  Qaar ka mid ah xidigaha muhiimka ah ee kooxda haba ugu horeeyee xidigii hore ee kooxda Chelsea  una dhashay wadan Spain ee Juan Mata.

Manchester united ayaan hadda ku jirin qaab ciyaareed wacan waxana maamulka sare ee Man Utd aya ka warqabaan in bixitaanka Juan Mata uu keeni karo niyad jab kale oo hor leh kooxdana ay ubaahan tahay  ugu yaraan waya arag nimadiisa qolka labiska.

Sida uu ku waramayo war sidaha caanka ah ee the Sun kooxda uu  hogaaamiyo Jose Mourinho ee Manchester United aya qaabeeyneeysa xiligan qorshe ay ku sii heeysaneeyso waaya araga reer Spain ee Juan Mata si kooxda ay ugu dagaalanto tartamada kala duwan .

Image result for mata

Qadkan dhexe ee cajiibka ah waxa uu qandaraaska uu kula jiro Man Utd uu ku egyahy ilaa bisha June ee soo aadan , waxana ay kooxda walwal ka qabtaa in si bilaash ah uu uga tago sanadka cusub  ee soo aaadan.

Tilaabada Manchester United ayaa imaanaysa xili Jesse Lingard  Herrera iyo Shaw shaki wayn laga qabo inay ka tagaan kooxda madama qadaraskooda uu gaba gaba ku dhaw yahy .

Related image

Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in Kooxda ay ku dadaalayso inay sii haysato laacibkeeda Jesse Lingard maadaama uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xiliciyaareedkii hore kadib markii  uu dhaliyay 13-gool tartamada oo dhan.

 

Yeelkeede Kubad abuuraha heerka sare ee Juan Mata ayaa Manchester United uga soo biiray kooxda kubada cagta ee Chelsea sanadkii  2014  waxaana uu kooxda usaftay 144 kulan isagoo u dhaliyay  kooxda 31 gool dhamaan tartamada oo dhan.