Manchester United Oo Diyaar La ‘ah Lacago Badan Si Ay Ula Saxiixdaan Dambeedka Bidix Ee Atletico Madrid Lucas Hernandez.

Maamulka sare ee Manchester United ayaa suuqa kala iibsiga ee soo aadan u diyaarsanaya lacago badan si ay kooxda uqalabeeyaan kadib qaabka xun ay kaga bilabatay tartamada ay kooxda ka qaybta ka tahay waana wax ay ku qasbantahy kooxda uu hogaamiyo Jose Mourinho hadii ay doonayaan in ay ka baxaan dhibatada ka heysato jihooyin badan oo safka kooxda ah .

Sida ay baahinayaan wararka ka imaanaya gudaha dalka Spain Manchester United ayaa lacago badan u quuri doonta lasoo saxiixashada dambeedka bidix ee kooxda ka dhisan caasimada Spain ee Atletico Madrid waana xidiga u dhashay wadanka France ee Lucas Hernandez suuqa bisha January.

Hernandez ayaa ah nuuc xidig ee cajiib ah  waxana  kalsooni buuxda ku qabaan maamulka iyo macalinkaba tayadiisa dhanka daafac  waxan la tilmaamaya in uu ka caawin karo Jose Mourinho in uu bad baadsado shaqadiisa madama dhibatooyin badan uu dhexda kaga jiro xiligan .

Related image

Mourinho fikirkiisa ugu wayn ee suuqa January waa in uu xal u helaa dhibaatada ka hesyata dhanka daafaca waxana uu diwaanka ku hayaa in kooxdiisa laga xareeyay 14 gool  dhamaan ciyaara Premier League xili ciyaareedkan waxana uu is way dinayaa sida la fahmi karo -maxaa taa xidigi donaa horyaalkana waa bilaawe?.

United waxa ay ku guul dareysteen in ay kooxda kusoo darsadaan xidigo tayo sare leh oo difaac adkeyeen kara suqii lasoo dhaawafay waxana ka mid ahaa xidigahaasi Harry Maguire, Toby Alderweireld iyo Jerome Boateng Balse wargeeyska Marca ee fadhigiisu yahay Spain ayaa tibaaxaya in hada kooxda ugu guulaha badan Egaln ay isha ku heyso  Lucas Hernandez .

Xidigan kula guuleeystay France Koobkii aduunka ee 2018 ayaa waxa qandaraaska uu kaga baxayo kooxda ku ciyaarta Wanda Metropolitano lagu burburin karaa  £70m waxana United ay fahansan tahy in qiimahaasi ay muhiim tahay in xogaa yara hoos loo dhigo si ay ula wareegaan xidigan wallow la tilmaamayo in lacago badan loo diyaariyay soo qadashadiisa..

Image result for lucas hernandez manutd

Hernandez ayaa dhaawan hoos u dhigay suurtagalnimada uu ugu soo dhaqaaqi karo Real Madrid , waxana xili hore xidigan xiiso uu ka helay  Manchester City balse wax walba ma aysan noqon  mid xal suuqa ah laga gaari karay.Hernandez ayaa kusoo biiray  Atletico  sanadkii 2014 waxaana uu ilaa iyo hada kazoo muuqday safka kooxda  Atletico Madrid 93 kulan dhamaan tartamada oo dhan.