Manchester United Oo Bar-Bardhac Kale Oo Niyad Jab Leh Kala Kulantay Crystal Palace, Xaalada Mourinho Oo Xumaatay Xilli Red Devils Ay 14 Dhibcood Kahoos Mareen Manchester City.

Manchester United ayaa bar-bardhac kale oo qalbi jab leh la gashay kooxda Crystal Palace oo marti ugu ahayd gegida Old Trafford, Eagles ayaa dhibaateeyay Red Devils isla markaana u diiday inay saddexda dhibcood ka qaataan.

Kulankan ayaa ahaa mid khaas u ah goolhayahasha labada kooxood ee De Gea iyo Henessey, Labadan goolhaye oo midkasta ahaa halyeeyga kooxdiisa ee caawa ayuu midkasta dafiray goolal cadaan ah.

Shaxihii labada kooxood ee kulankan:

Man Utd: De Gea, Darmian, Lindelof, Smalling, Young, Matic, Pogba, Lingard, Mata, Martial, Lukaku.

Keydka:  Jones, Sanchez, Rashford, Grant, Fred, Valencia, Fellaini.

Crystal Palace: Hennessey, Wan Bissaka, Tomkins, Sakho Van Aanholt, McArthur, Milivojevic, Kouyate, Meyer, Townsend, Zaha.

Keydka:  Ward, Sorloth, Ayew, Schlupp, Guaita, Kelly, Puncheon.

Falanqaynta Guud Ee Kulankan:

Xiddigaha Manchester United ayaa tababare Jose Mourinho iyo jamaahiirta kooxda u muujiyay bilawgii ciyaarta inay yihiin kooxda martida ah isla markaana si buuxda ula wareegay maamulka ciyaarta.

Hoggaamiyaha Crystal Palace ahna xiddigii hore ee Man United ee Wilfred Zaha ayaa noqday xiddiga sameeyay isku daygii ugu horreeyay ee kulanka, Laba shuud oo uu ku tuuray shabaqa De Gea daqiiqadihii 17 iyo 20-aad ayaan noqon bar-tilmaameed.

Daqiiqadii 30-aad ee kulankan, Manchester ayaa heshay fursadii ugu fiicnayd, Jesse Lingard ayaa darbad xoogan qarka ugu fuulay inuu hoggaanka ugu dhiibo United balse goolhaye Henessey ayaa bad-baadiyay, Markale Goolhayaha Palace ayaa qabtay madax ku celis ah oo kaga yimid dhinaca Martial.

Daqiiqadii 43-aad ee kulankan ayay Crystal Palace samayn gaadhay dhacdo cajiib ah, Kouyate ayaa madax xoogan shabaqa dhex dhigay balse calanwadaha kulanka ayaa tilmaamay garab dhaaf.

Qaybta hore ee kulankan ayaa kusoo dhammaatay ismari waa goolal la’aan ah, Red Devils ayaan bandhig la taaban karo ku hor samayn jamaahiirtooda isla markaana ku fashilmay inay fursado badan oo halis ah ku abuuraan Eagles.

Daqiiqadii 57-aad ee Kulankan Ayaa United markeeda laga diiday gool ay shabaqa la gaadhay, Goolhaye Henessey ayaa kubad layaab leh ka badbaadiyay Ashley Young intaa kaddib Lukaku ayaa kubadda dhex dhigay shabaqa balse calanwadaha ayaa markale garab dhaaf tilmaamay.

ALA MAXAY FURSAD AHAYD: Kooxda Crystal Palace ayaa qarka u fuushay inay hoggaanka qabato, Kouyate ayaa kubad xoogan ku laagay De Gea balse goolhaya United ayaa si cajiib ah u difaacay kubadda, Markale Van Aanholt ayaa bar-tilmaameedsaday Shabaqa United balse De Gea ayaa markale ka badbaadiyay.

Daqiiqadii 84 aad ee kulanku ayuu Lukaku ku sigtay inuu jabiyo ismari waagii kulanka, Goolhayaha Palace oo ahaa halyeeeyga Eagles ayaa fursad cadaan ah ka dafiray weeraryahanka ree Belgium.

Si kastaba ha ahaatee, Kulankan ayaa kusoo dhammaaday bar-bardhac kale oo dhabar jab ku ah Red Devils waxaana sii fogaaday hamiga kooxda ee horyaalka iyaga oo 14 dhibcood kahoos maray Manchester City.