Manchester United Oo Awood Lacageed Ku Bur-Burinaysa Rabitaankii Barcelona Ee De Ligt & Wixii Laga Waayay Barca Oo Ay Ogolaadeen Inay Bixiyaan.

Kooxda ree England ee Manchester United ayaa u muuqata mid haatan si dhab ah fursad ugu helaysa u loolanka daafaca da’yarka ah ee Matthijs De Ligt kaas oo u muuqda mid aan kusii negaadayn kooxdiisa Ajax.

Wararkii soo baxayay horraantii toddobaadkan ayaa sheegaya in De Ligt uu ku wajahayn yahay Barcelona oo uu halkaas kula midoobi doono saaxiibkiisii Ajax ee Frankie De Jong.

Waxa la sheegayaa in Barca ay horeba bishii April heshiis ula meel dhigtay da’yarkan balse kaddib xilli ciyaareedka cajiibka ah ee Ajax wakiilkiisa Mino Raiola ayaa ku adkaynaya Barca isaga oo aaminsan inay horumariyaan heshiiskaas hore oo ay kor u qaadaan.

Baahida wakiilkan iyo sida uu u doonayo in dhinaca dhaqaalaha laga horumariyo heshiiskan ayaa haatan dagaal ka dhex aloostay kooxaha ugu waaweyn Yurub waxaana ay fursad ay heshiiska ugu soo laabato siisay Man United.

Walow ay haatan Manchester tahay mid dhibaato yari haysato oo aan ciyaarayn Champions League xilli ciyaareedka dambe haddana waxa ay doonayaan inay bixiyaan waxa uu da’yarkani ku cadaadinayo Barca.

United ayaa ogol bixinta mushaharka 14-ka Milyan ah ee uu wakiil Mino Raiola u doonayo 19 jirkan sida uu sheegayo wargeyska kasoo baxa gobolka Catalunya ee Sport.

Taas ayaa ka dhigan in De Ligt uu kaliya 19 sano jir ku qaadan doono £236,000 toddobaadkii waana lacag u dhawaynaysa xiddigaha ugu mushaharka sarreeya Man United.

Heshiiskan ayaa ah mid uu sidoo kale gunooyin badan ku heli doono Matthijs si lamid ah Alexis Sanchez oo lacago la siiyo markasta oo uu kulan kooxda u matalo ama uu gool iyo gol caawin sameeyo.