Manchester United Oo Aduun Dhan 10 Milyan Euros Ku wayday Goolkii Muhiimka Ahaa Ee Uu Anthony Martial Ka Dhaliyay Kooxda Newcastle United Iyo Sababta Oo La Ogaaday.

Goolkii uu Anthony Martial horraantii toddobaadkan ka dhaliyay kooxda Newcastle United ayaa ahaa mid qiimo weyn ku ag leh tababaraha kooxdaas ee Jose Mourinho sababtoo ah inuu shaqadiisa u bad-baadiyay balse goolkan ayaa wax yar oo naxdin ah ku riday madaxda kooxda sababtoo ah inay 10 Milyan euros ku waayeen.

Martial ayaa xilli ciyaareedkan ku bilawday qaab aan fiicnayn isaga oo u muuqda mid halkiisa kasii wada inuu ku dhibtoonayo tababare Mourinho balse waxa uu gool muhiimad weyn u lahaa tababaraha iyo jamaahiirta kooxdaba dhex dhigay shabaqa Newcastle.

Haddaba, Sababta ay Red Devils ku bixiyeen 10-kaas Milyan ayaa ah in heshiiskii ay kagala soo saxeexdeen kooxdiisii hore ee Monaco uu qayb ka ahaa qoddob sheegaya inay 10 Milyan oo dheeraad ah bixiyaan haddiiba uu 25 Gool oo horyaalka ah dhaliyo inta ka horraysa 2019.

Martial ayaana ka farxiyay kooxdiisii hore maadaama oo uu goolkan dhaliyay kaliya laba bilood kahor wakhtigii ay lacagta ku heli karayeen.

Qoddobada lacagaha dheeriga ah ee heshiiska Martial ayaan intaa ku ekayn waxaana haatanba jira laba qoddob oo kale oo ay min 10 Milyan ku kasban karto Monaco, Qoddobka koowaad ayaa ah inuu 25 kulan oo xulka France ah safto kahor 2019.

Qoddobakan ayaa u muuqda mid aan macquul ahayn sababtoo ah kulamada Martial uga hadhay 25-ka kulan iyo kulamada xulka Les Bleus uga hadhay kahor 2019 ayaa ah kuwo aan is buuxinayn.

Qoddobka kale ayaa sidoo kale u muuqda mid gabi ahaanba aan suurogalin maadaama oo uu sheegayo in Monaco ay 10 Milyan oo kale hesho haddii 22 jirkan loo magacaabo liiska tartamayasha Ballon d’Or mana aysan dhicin.