Man City Oo Saxeexeedii Ugu Horreeyay Xagaagan Berri Shaacin Karta, Qiimihiisa & Booska Uu Ka Xoojin Doono Kooxdan Markeedii Saddexaad Ee Xidhiidh Ah Doonaysa PL!!.

Manchester City ayaan wali suuqa xagaagan si aad ah uga dhex muuqan balse waxa la filayaa inay maalmaha soo socda bilaabi doonto xoo xoojinta qorshaha ay ku doonayso inay markeedii saddexaad oo xidhiidh ah Premier League ku hanato.

City ayaa la filayaa inay ilaa berri ku dhawaaqi doonto saxeexa khadka dhexe ee Atletico Madrid Rodri oo bilooyinkii ugu dambeeyay si xoogan loola xidhiidhinayay.

Kooxda uu hoggaaminayo tababare Pep Guardiola ayaan marnaba kali kusoo noqon xiisaha Rodri balse lasoo kulantay tartan kaga yimid Bayern Munich walow ay ugu dambayn u muuqdaan guuleystayaasha.

Sida laga soo xiganayo wargeyska Daily Mail, City ayaa ku dhaw inay soo gaba-gabayso saxeexa Rodri oo ay Atletico kagala soo wareegayaan lacag £62.5m Milyan ah taas oo ka dhigidoonta saxeexa ugu qaalisan taariikhdeeda.

Rodri ayaa xilli ciyaareedkii hore Atletico uga soo laabtay kooxda Vilarreal oo uu ku maqnaa waxaana uu 2018-19 usoo ciyaaray 47 kulan isaga oo qayb weyn kasoo ahaa qorshayaasha tababare Diego Simeone.

22 sano jirkan ree Spain ayaa Sky Blues ugu soo biiraya si uu qayb uga noqdo qorshaha isku dheeli tirka da’da xiddigaha kooxda isla markaana bedel mudo dheer ah u noqon doona Fernandinho oo 34 sano jir ah.

Man City 'to confirm Rodri deal on Monday'

Saxeexyada Man City ayaan la filayn inay kaliya ku ekaan doonaan Rodri balse waxa sidoo kale xigi doona saxeexyo dhawr ah sida saxeexa daafaca midig ee Juventus Joao Cancelo.

Iyadoo la fahamsan yahay in City ay marka hore ku qasbanaan doonto iibinta daafaceeda Danilo ayay dhinaca kale horumar ka samaysay wadahadaladii ay ku doonaysay Cancelo.