Manchester City Oo Guul Weyn Kasoo Gaadhay West Ham United, Leroy Sane Oo Laba Gool Dhaliyay & Sky Blues Oo Hoggaanka PL Sii Xejistay.

Manchester City ayaa guul weyn kasoo gaadhay dhigeeda West Ham United oo ay ku martiyeen London Stadium, Wiilasha Pep Guardiola ayaa sii xejistay hoggaankooda isla markaana guul kale ku muujiyay awoodooda ciyaareed.

Laba gool oo ka yimid Leroy Sane oo kulankan kusoo bilawday, Iyo min hal gool oo ay dhaliyeen David Silva iyo Raheem Sterling ayaa Sky Blues ka caawiyay guushan.

Shaxihii labada kooxood ee kulankan:

West Ham United: Fabianiski, Balbuena, Zabaleta, Diop, Masauku, Obiang, Antonio, Rice, Diangana, Arnautovic, Anderson

Keydka: ??

Manchester City: Ederson, Walker, Laporte, Delph, Otamendi, Gundogan, Silva, Fernandinho, Sterling, Aguero, Sane

Keydka: Muric, Kompany, Stones, Zinchenco, Mahrez, Jesus, Phoden.

 

Falanqaynta Guud Ee Kulankan:

Manchester City ayaa sidii la filayay markiiba qaaday weeraro cir iyo dhul ah, Xiddiga sanadkan gool dhalinta cajiibka ah lasoo baxay ee David Silva ayaa daqiiqadii 9-aad ee kulankan ku dhawaaday inuu furo bandhiga goolasha.

GOOAL: Yaa Goolka ka celin kara, Sky Blues ayaa daqiiqadii 11-aad gaadhay shabaqa West Ham United, David Silva oo ahaa xiddigii khasaariyay fursadii hore ayaa markan hogaanka gacanta usoo geliyay kooxdiisa.

GOOAL: Markale, Wiilasha Guardiola ayaa goolka labaad helay 8 daqiiqo kaddib goolka furitaanka, Gool uu caawintiisa kasoo shaqeeyay Leroy Sane ayuu shabaqa West Ham ku hubsaday Raheem Sterling.

Kooxda martida loo ahaa ee West Ham ayaa markan hurdada ka kacday, Xiddiga garabka bidix ee Michail Antonio ayaa sameeyay bar-tilmaameed xoogan balse isku daygiisa ayaa dhaafi waayay goolhaye Ederson Moraes.

GOOAL: CITY!!!, Kooxda Guardiola ayaa gabi ahaanba kulankan dishay, Da’yarka kulankan kusoo bilawday ee Leroy Sane ayaa hoggaan buuxa gacanta u galiyay Pep isla markaana sameeyay dhammaystirka kubaddii uu kusoo tabcay Raheem Sterling.

Intaa kaddib, City oo horeba kulankan maamulkiisa lahayd ayaa sii laba jibaartay isla markaana si dhammaystiran ugu raaxaysatay haynta kubadda.

Qaybta hore ee ciyaartan ayaa lagu kala nastay hoggaan ay si buuxda ugu naaloonayso Manchesterr City, Ka go’naanshaha inay saddexda dhibcood helaan isla markaana hoggaanka sii xejistaan ayaa ka muuqatay Citizens.

Ilkay Gundogan ayaa daqiiqadii 65-aad ee ciyaarta ku dhawaaday inuu hoggaanka u dheereeyo Citizens balse Fabianski ayaa markan gool kale ka badbaadiyay kooxdiisa.

GOOAL: Da’yarka Sane ayaa u muuqda mid si buuxda uga faa’idaystay in kulankan lagu soo bilaabay waxaana uu markale daqiiqadii 93-aad ee kulanka soo af-meeray bandhiga goolasha ee kulanka.