Manchester City Oo Ay Guuldaradii Ugu Horaysay Soo Gaadhay, Sevilla, FC Porto Iyo Shakhtar Oo Wareega 16ka Kooxood Ee UCL U Soo Baxay Iyo Natiijooyinkii Kulamadii La Ciyaaray Oo Dhamaystiran.

Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay kulamadii heerka Groupyada Champions Leaque waxaana hadda dhamaystirtay 16ka kooxood ee wareega xiga ee UEFA Champions Leauqe ku tartami doona iyada oo kooxaha Liverpool, Sevilla, Shaktar iyo FC Porto noqdeen kooxihii ugu danbeeyay ee wareegan kula soo biiray kooxihii hore ugu soo baxay.

Manchester City ayay soo gaadhay guuldaradii ugu horaysay ee xili ciyaareedkan ee tartamada oo dhan kadib markii ay kooxda Shakhtar 2-1 guul kaga gaadhay kooxda uu Guardiola isbadal ku sameeyay ee uu ka doortay ka fikirista kulanka Manchester Derby.

Kooxda Napoli ayaa murugo wayn la kulantay kadib markii ay guuldaro 2-1 ahi ka soo gaadhay kooxda xiliga horeba hadhay ee Feyenoord si ay Shakhar fursad wayn u siiso laakiin kulamadii goolasha badan laga dhaliyay ayay ka mid tahay kooxda FC Porto oo 5-2 ku gumaaday kooxda AS Monaco oo iyaduna tartankan ka hadhay.

Sevilla ayaa soo dhaafi kari wayday kooxdii ay Liverpool 7-0 ku xasuuqday ee Maribor laakiin in markale ay Liverpool 7-0 ku gumaaday Spartak Moscow ayaa kooxda ree Spain ee Sevilla ka caawisay in ay wareega 16ka kooxood ee Champions leaque ay u soo baxdo.

Haddaba halkan kaga bogo natiijooyinka kulamadii caawa la ciyaaray oo dhamaystiray.

Haddaba halkan kaaga bogo liiska 16ka Kooxood ee u soo baxay wareega xidiga ee Champions Leaque:

🇪🇸 Barcelona
🇨🇭 Basel
🇩🇪 Bayern
🇹🇷 Beşiktaş
🏴󠁧󠁢󠁥󠁮󠁧󠁿 Chelsea
🇮🇹 Juventus
🏴󠁧󠁢󠁥󠁮󠁧󠁿 Liverpool
🏴󠁧󠁢󠁥󠁮󠁧󠁿 Man. City
🏴󠁧󠁢󠁥󠁮󠁧󠁿 Man. United
🇫🇷 Paris
🇵🇹 Porto
🇪🇸 Real Madrid
🇮🇹 Roma
🇪🇸 Sevilla
🇺🇦 Shakhtar
🏴󠁧󠁢󠁥󠁮󠁧󠁿 Tottenham