Man United Vs Real Madrid, Arsenal Vs Chelsea Iyo Kulamada Xiisaha Badan Ee Aad Shabakada Gool24.net Ka Daawan Karto Ee Caawa La Ciyaarayo.

Tartanka koobka saaxiibtinimo ee International Champions Cupka ayaa galay marxalad dhamaad ah iyada oo inta badan la ciyaaray kulamadii qorshaysnaa laakiin wali waxaa hadhsan kulamo waa wayn oo ay tahay in ayna ku seegin. Caawa waxaa jira kulamo waa wayn oo xiiso badan oo ay iskaga hor imanayaan kooxo waa wayn oo Yurub ka dhisan.

Kulanka ugu xiisaha badan ayaa caawa dhex mari doona kooxaha Manchester United iyo Real Madrid laakiin haddii aad ku nooshahay geeska Afrika waxaad u baahnaan doontaa in aad waqti danbe u soo jeedo si aad u daawan karto kulankan maadaama oo xili danbe ay ciyaartu bilaami doonto.

Kulanka Manchester United iyo Real Madrid ayaa ka dhici doona Miami waxayna ciyaartu bilaami doontaa 3:05 daqiiqo ee saqda dhexe ee habeenimo ee saacada Geeska Afrika iyada oo kulankan iyo dhamaan kulamada kale ee muhiimka ah aad si toos ah uga dawaan karto shabakada Gool24.net.

Real Madrid ayaa kulankeedii ugu horeeyay ciyaaraysa tan iyo markii uu Zidane Zidane ka baxay wuxuuna Julen Lopetegui bilaaban doonaa waayihiisa cusub ee Real Madrid halka Jose Mourinho iyo kooxdiisa Manchester United ay isku dayi doonaan in ay iska reebaan ceebtii Liverpool ka soo gaadhay ee guuldaradii 4-1 ka ahayd.

Kulanka kale ee xiisaha gaarka ah yeelan doona ayay caawa wada ciyaari doonaan kooxaha Barcelona iyo AS Roma iyada oo ay jirto arimo xusuus gaar ah kulankan ku yeelan doona. Ugu horayn Barcelona ayaa xusuusan doonta qalbi jabkii guuldaradii Champions league ee xili ciyaareedkii dhamaaday ka soo gaadhay Roma.

Barcelona ayaa 4-1 ku garaacday Roma kulankii Camp Nou laakiin iyada oo isku arkaysay in ay soo gudbaysay waxay guuldaro 3-0 ah kala kulantay Roma kulankii Talyaaniga ka dhacay balse waxaa sidoo kale kulankan xusuus wayn ku yeelan doona qaabkii waalida ahaa ee ay Barcelona saxiixa Malcom uga afduubtay Roma.

Kulanka AS Roma iyo Barcelona waxa uu isna bilaami doonaa 5:05 daqiiqo subaxnimo ee saacada Geeska Afrika halka kulanka AC Milan iyo Tottenham uu isna bilaami doono 3:35 habeenimo ee saacada Geeska Afrika.

Kulanka Chelsea iyo Arsenal oo isna ka tirsan ICC ayaa la ciyaari doonaa caawa marka ay saacada geeska Afrika tahay 10:05 daqiiqo waana kulan ay kooxaha ree London si buuxda iskugu tijaabin karaan.

Haddaba halkan kaga bogo kulamada xiisaha badan ee caawa la ciyaarayo kuwaas oo dhamaantood aad si toos ah uga daawan karto shabakada caalamiga ah ee Gool24.net.

Arsenal Vs Chelsea -10:05 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika

Man United Vs Real Madrid-3:05 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika

Tottenham vs AC Milan -3:35 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika

Barcelona Vs AS Roma -5:05 Subaxnimo Ee Saacada Geeska Afrika