Man United Oo Qarka U Saaran Saxeexa Khad Dhexe Oo Aad Loo Qiimeeyo, Lampard Oo Diiday Inuu Daafac Iska Fasaxo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Advertisements

Asslamu Callaykum Waraxmatullahi Wabarakatu, Dhammaan akhristayaasha sharafta leh ee shabakaga Gool24 kusoo dhawaada xubinteenii wararka suuqa kala iibsiga iyo xogihii ugu dambeeyay ee ay saxaafada kala duwani ka qortay.

Waxaanu halkan hoose idiinku soo koobnay wararka suuqa ee qaarada Yurub kuwoodii ugu muhiimsanaa ee ay warbaahinta kala duwani maanta oo Sabti ah ay ka qoreen kubadda cagta.

WARARKA SUUQA KALA IIBSIGA

Manchester United ayaa xiisaynaysa saxeexa weeraryahanka kooxda Wolves ee Raul Jiminez xilli ay sidoo kale isha ku hayaan Moussa Dembele oo Lyon ka tirsan. (Sky Sports)

Chelsea iyo Manchester United ayaa tartan dhinaca suuqa ah kala kulmi doona kooxda Juventus oo soo gashay loolanka weeraryahan Dembele. (Calciomercato – in Italian)

Madaxweynaha iyo agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Sporting Lisbon ayaa usoo safray Old Trafford si ay Manchester United ugala xaajoodaan iibka khadkooda dhexe ee Bruno Fernandes. (Record – in Portuguese)

Tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer iyo ku xigeenka kooxdaas ee Mike Phelan ayaa soo daawaday khadka dhexe ee Benfica ee Fernandes.(Standard)

Waxa sii kordhaysa kalsoonida ay Man United ku qabto inay dhammayn doonto saxeexa Bruno Fernandes oo ay haatan qarka u saaran yihiin inay helaan. (Star)

Tottenham ayaa sidoo kale noqotay koox halis ku ah Man United iyo West Ham United iyagoo kula tartami doona saxeexa Gedson Fernandes oo Benfica qayb ka ah. (Mail)

Everton ayaa diyaarinaysa dalab 25 Milyan ah oo ay ku doonayso xiddiga ree Brazil iyo kooxda Gremio ee Everton Soares. (ESPN)

Juventus khadkeeda dhexe ee Emre Can ayaa iska diiday inuu ku biiro Man United isaga oo ixtiraamaya kooxdiisii hore ee Liverpool. (Tuttosport – via Talksport)

Tababaraha Chelsea ee Frank Lampard ayaa meesha ka saaran in daafaca dhexe ee kooxdiisa ee Andreas Christensen uu kooxda ka baxo gudaha bishan January. (Star)

Tababaraha Leicester ee Brendan Rodgers ayaa shaaca ka qaaday in xiddiga kooxdiisa ee James Maddison aysan wax saamayn ah ku yeelan doonin xiisaha uu ka helayo kooxda Manchester United. (Mirror)

Advertisements

Juventus ayaa la filayaa inay qandaraas cusub ka saxeexato weeraryahanka kooxdeeda ee Paulo Dybala walow si weyn loola xidhiidhinayo Man United iyo Tottenham. (Goal)

 

Advertisements