Man United Oo Qarka U Saaran Saxeexa Bruno Fernandes & Wakhtiga Uu Tijaabada Caafimaadka U Mari Doon o Red Devils Oo La Ogaaday.

Kooxda horyaalka Premier League ee Manchester United ayaa u muuqata mid sii wadanaysa qaabka wanaagsan ee ay ugu jirto suuqa xagaagan waxaana ay qarka u saaran tahay saxeexeedii saddexaad ee xilli suuqan 2019.

Red Devils ayaa wada olole dib u habayn ah oo ay ku kala shaandhaynayaan safka xiddigaha kooxdooda iyaga oo sidoo kale hore ula soo saxeexday labada da’yar ee Aaron Wan-Bissaka iyo Daniel James.

Ander Herrera ayaa hore kooxda uga baxay sidoo kale waxa ay calaamad su’aal saarantahay mustaqbalada Romelu Lukaku iyo Paul Pogba balse waxa dhinaceeda lala xidhiidhinayaa saxeextada Sean Longstaff iyo Bruno Fernandes.

Haatan Fernandes ayaa u muuqda midka xiga ee miiska usoo saaran kooxda tababare Ole Gunnar Solskjaer waxaana ay wararka qaar xataa mudeeyeen wakhtiga uu soo gaadhi doono Manchester si uu tijaabada caafimaadka u maro.

Sida laga soo xigtay wargeyska Sport Witness, 24 jirkan heerka caalami ee ree Portugal ayaa soo gaadhi doona United maalmaha soo socda si uu tijaabada caafimaadka u maro.

Bruno Fernandes ayuu wargeysku sheegayaa inuu isagu haatan yahay shaqsiga xiisaynaya inuu usoo guuro Old Trafford waxaana u muuqda mid soo dhammaan doona wararkiisii xanta ahaa ee suuqa mudada kusoo jiray.

100,000 oo ginni ayaa la filayaa inuu noqon doono mushaharka toddobaadlaha ah ee Fernandes halka ay kooxdu kula soo saxeexan doonto inta u dhaxaysa 60 ilaa 70 Milyan oo euro.