Man United Oo Maalmaha Soo Socda Dalab Ka Gudbin Doonta Xiddigii Koobka Aduunka Wacdaraha Ka Dhigay Ee Hirving Lozano Iyada Oo Barca Kula Tartamaysa.

Kooxda Manchester United ayaa ugu dambayn diyaar u ah inay isaga hadho tartankii ay ugu jirtay inay gacanta kusoo dhigto xiddiga kooxda Chelsea ee Willian iyadoo taa badalkeeda dareenkeeda u jeedin doonta garabka xulka Mexico ee Hirving Lozano kaas oo wacdaro ka dhigay koobka aduunka ee haatan soconaya.

Jose Mourinho ayaa raadinayay xiddig garabka ka ciyaara tan iyo xagaagii hore isaga oo wakhtigaas ku fashilmay inuu Old Trafford keeno Ivan Perisic oo kooxda Inter Katirsan, Intaa kaddib Red Devils waxay u jeedsatay dhinaca xiddiga Chelsea ee Willian laakiin kooxda Chelsea ayaan ogolaan doonin inay xiddigeeda ku fasaxdo wax ka yar 70 Milyan.

Iyadoo sidoo kale la filayo in Anthony Martial uu dhawaan faarujiyo qalcada Old Trafford ayuu tababare Mourinho markan isku dayi doonaa inuu kooxda keeno Hirving Lozano kaas oo ka tirsan kooxda PSV ee ree Holland, Kooxda ree England waxay xiddigan u qorshaysay inay ku dalbato aduun dhan 35 Milyan iyagoo u arka inuu ka jaban yahay lacagaha Willian sidoo kalena uu ka da’yar yahay.

Lozano oo ahaa xiddigii ugu bandhiga fiicnaa xiddigihii xulka Mexico u matalayay koobka aduunka ayaa markiiba xiiso ka helay kooxo waawayn oo ree Yurub ah oo ay kamid yihiin kooxaha Barcelona, Liverpool & Tottenham kooxahana ayaana la filayaa inay tababaraha ree Portugal kula xifaaltamaan helista xiddigan.

Sababaha kale ee 22 jirkan lagu jeclaaday waxa kamid ah inuu sanadkii hore kooxdiisa PSV u dhaliyay 17 gool isagoo ka caawiyay inay horyaalka Holland ee Eredivisie kaga guuleystaan kooxda Ajax, Haddii uu ku biiro Old Trafford waxuu noqon doonaa xiddigii afraad ee xagaagan gaadha halkaas isagoo ay ka horeeyeen Fred,Diogo Dalot & Lee Grant.