Man United Oo Go’aan Ka Gaadhay Waxa Ay Yeeli Donto Haddii Uu David De Gea Xagaagan Baxo Iyo Isbar-Bardhiga Xogta Goolhayaha Badali Kara.

Maamulka Man United ayaa hadda u muuqda kuwo quus ka taagan in goolhaye David De Gea uu heshiis cusub kooxdooda u saxiixo.

Kadib markii ay todobaadkan dalabkii ugu danbeeyay hor dhigeen goolhayaha reer Spain, waxa uu ku sii adkaystay go’aankii uu 18 kii bilood ee ugu danbeeyay uu ku diidanaa in uu qandaraas cusub saxiixo.

Laakiin hadda maamulka Man Uited ayaa go’aan ku gaadhay talaabada ay qaadi doonaan haddii uu David De Dea xagaagan ka baxo Old Trafford.

Wargayska Daily Mail ayaa shaaciyay in Man United ay goolhayaha kowaad ee kooxdeeda u soo dalacsiin doonto Sergio Romero oo hadda goolhayaha labaad ah haddii uu David De Gea xagaagan kooxda ka baxo.

Waxa kale oo warbixintan lagu sheegay in Man United ay diyaar u tahay in Romero uu goolhayaha labaad u noqon doono goolhayaha amaahda ku maqan ee Dean Henderson.

Dhinaca kale Daily Mail waxa uu soo bandhigay xogta isbarbar dhiga David De Gea iyo goolhayaha amaahda ku maqan ee Dean Henderson taas oo muujisay in De Gea uu xili ciyaareedkan ka liitay Dean Henderson.

Goolhayaha da’yarka ah ee Dean Herdeerson ayaa xili ciyaareedkan ku soo qaatay amaah uu ku joogay kooxda horyaalka heerka labaad kaalinta labaad ka gashay ee Sheffield United  wuxuuna ka caawiyay in ay Premier league ku soo laabatay Sheffield United.

Kooxda Sheffield United ayaa doonaysa in ay goolhaye Dean Henderson kooxdeeda ku sii haysato xili ciyaareedka cusub ee ay Premier league ka soo muuqan doonaan balse Man United ayaa hadda ku xisaabtamaysa 22 sano jirkan.

Halkan kaga bogo xoga isbar-bardhiga xili ciyaareedkan ee David De Gea iyo goolhayaha da’yarka ah ee Dean Henderson ee ay United doonayso in kooxda kowaad uu u soo dalaco.

Sergio Romero laftiisa ayaa xog fiican helay kulamadii koobnaa ee uu ciyaaray inkasta oo haddii uu helo fursada goolhayaha kowaad uu horumar wayn samayn karo.

Si kastaba ha ahaatee, Man United ayaa hadda u muuqata kuwo samaynaya qorshe ay kaga maarmi karaan David De Gea haddii ay sida hadda u taagan taagan tahay uu ku diido heshiiska cusub.