Man United Oo Geed Dheer Iyo Mid Gaabanba U Fuulaysa Qancinta Paul Pogba & Dalab Cusub Oo Ay U Hayaan Si Uu Old Trafford Usii Joogo.

Kooxda Manchester United ayaa u muuqata mid waxkasta u samaynaysa sidii ay ku qancin lahayd khadka dhexe ee kooxdeeda ee Paul Pogba oo si aan kala joogsi lahayn loola xidhiidhinayo kooxda ree Spain ee Real Madrid.

Tan iyo soo laabashadii Zinadine Zidane ee Real Madrid, Waxa soo laabtay wararka sheegaya in Pogba uu kusii jeedo dhinaca Bernabeu waxaana ay wararkaasi kor usii kaceen markii Pogba iyo Zidane ay hadalo muxibo muujin ah hawada isku mariyeen.

Ilo wareedyo badan oo qaarada Yurub ah ayaa qoraya warar badan oo isku mid ah iyaga oo tibaaxaya in Real ay diyaar u tahay qabsashada suuqa kala iibsiga ee xagaagan waxaana liiska xiddigaha ay qiime kasta ku bixinayaan kamid ah Pogba.

Sida haatan laga helay wargeyska ESPN, Man United oo aan wali iska dhiibin sii haysashada Pogba ayaa haatan doonaysa inay u magacawdo kabtanka xilli ciyaareedka dambe ee kooxdeeda kaddib bixitaankii Antonio Valencia.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo isagu sheegay inuu doonayo joogista Pogba ayaa aaminsan in haddii ay masuuliyad badan saaraan xiddigan oo ay kabtan ka dhigaan ay meesha ka saari karaan wararka la xidhiidhinaya bixitaanka.

Pogba ayaa hore usoo ahaa kabtan ku xigeenka Manchester balse tababare Jose Mourinho ayaa ka xayuubiyay xilkaas kaddib markii ay labada shaqsi isku dhaceen gudaha xilli ciyaareedkan dhammaadka ah.

Lama oga haddii Pogba uu ku qanci doono kabtanimada kooxdan uu kasoo baxay kuliyadeeda isla markaana uu markale kusii nagaadi doono Old Trafford.

Mid kamid ah sababaha uu Pogba uga tagayo Man United ayaa lagu sheegay awooda tartan la’aaneed ee kooxda oo aan wakhtiyadii ugu dambeeyay kusoo guuleysan Premier League.