Man United Oo Chelsea Ku Garaacday Saxeexa Dhaliye Cajiib Ah, Pep Guardiola Oo Ku Laabanaya Barca Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaaraha

Muddo kooban  ayaa ka hadhay waqtiga uu furmayo suuqa iibka ciyaartoyga ee xagaaga oo ku beegan horraanta bisha June, laakiin fayraska Korona ayaa laga yaabaa in sannadkan uu isbeddel ku keeno.

Inkasta oo uu hadda xidhan yahay suuqu oo aanu wali furmin, waxa kooxaha waaweyn ee Yurub ay kala jiidanayaan laacibiinta heshiisyadoodu dhamaanayaan ee sida bilaashka ah ku baxaya iyo kuwo kale oo ay u hurayaan lacago badan si ay iskugu xoojiyaan xili ciyaareedka dambe.

Warbaahinta dunida gaar ahaan wargeysyada ayaa waxay si maalin leh usoo bandhigaan dhaqdhaqaaqyada ugu dambeeyey ee kooxaha, ciyaartoyda ay doonayaan iyo waxyaabaha laga yaabo inay dhacaan.

Sidii aad nooga barateen, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyey ee suuqa iibka ciyaartoyga ee ay wargeysyadu qoreen maanta oo Salaasa ah:

Kubbad-sameeyaha Arsenal ee Mesut Ozil oo 31 jir ah ayaa la sheegay in aanu ka tegi doonin Arsenal oo uu sii joogi doono Emirates illaa inta uu qandaraaskiisu ka dhamaanayo sannadka dambe. (Fanatik)

Gunners waxay rajaynaysaa in laacibka khadka dhexe ee Dani Ceballos oo ah 23 jir ay sannad amaah kaga soo qaadatay Real Madrid uu lasii joogo illaa inta uu xili ciyaareedku dhamaanayo, laakiin ma qorshaynayso in ay heshiiska u kordhiyo oo uu xili ciyaareed kale lasii joogo. (El Confidencial)

Weeraryahanka Lyon iyo xulka France ee Moussa Dembele oo ay hore u doonaysay Chelsea ayaa waxa uu door-bidayaa inuu u wareego Manchester United, waxaana la rumaysan yahay in heshiiskiisu ku kici doono £60 milyan. (Star)

RB Leipzing ayaa waxay kula biirtay Everton loollanka loogu jiro difaaca Barcelone ee Jean-Clair Todibo. (HITC)

Juan Laporta ayaa sheegay inuu doonayo in uu noqdo Madaxweynaha Barcelona mar kale, isla markaana uu Camp Nou kusoo celin doono tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola oo ay hadda da’diisu tahay 49 jir. (Cadena Cope)

Barcelona waxay rabtaa inay lasoo saxeexato 22 jirka reer Argentine ee difaaca uga ciyaara Tottenham ee Juan Foyth, laakiin waxa la rumaysan yahay in heshiiskiisu adkaan doono. (Mundo Deportivo)

Manchester United waxay xiisaynaysaa inay lasoo saxeexato 19 jirka reer Argentine ee khadka dhexe ee Thiago Almada oo u ciyaara Velez Sarsfield oo sidoo kale lala xidhiidhinayo Arsenal. (Tutto Mercato)

Weeraryahanka Benfica ee Carlos Vinicius oo ay da’diisu tahay 25 jir, ayaa heshiiskiisa lagu xidhay £80 milyan oo Gini, waxaana lala xidhiidhinayaa Manchester United. (Sun)

Xiddiga reer Algeria ee Riyad Mahrez oo 29 jir ah ayaa qirtay inuu doonayay inuu heshiis u saxeexo Liverpool ka hor intii aanu ku biirin Manchester City oo kasoo qaadatay Leicester City, laakiin Reds ayaa waqtigaas ka door-bidday Mohamed Salah oo ay kasoo qaadatay Roma. (beIN Sports)

Chelsea waxay ku kalsoon tahay inay badbaadsan doonto tartanka ay ugu jirto da’yarka Charlie Webster oo ay raadinayso Borussia Dortmund, kaas oo heshiiskiisa ugu horreeya ee xirfadeed saxeexi doona marka ay da’diisu noqoto 17 jir bisha January ee sannadka dambe. (Telegraph)

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook