Man United Oo Benfica Guul Ka Soo Gaadhay, Bayern Munich Oo Soo Kabsatay, PSG Oo Fariin Kale Dirtay Iyo Juventus Oo Guul Soo Laabasho Ah Ka Gaadhay Spoting Lisbon.

Kooxda PSG ayaa wali sii wadata guulaha waa wayn ee ay ka soo hoynayso tartanka Champions Leaque waxayna 4-0 ku xasuuqday kooxda Anderlecht si ay u sii wadato guulaha boqolkiiba boqolka ah ee ay kaga soo jirtay UEFA Champions Leaque. PSG ayaa ayaa 9 dhibcood ka soo shaqaysatay saddexdii kulan ee ugu horeeyay heerka Groupyada Champions Leaque.

Kylian Mbappe oo goolasha Paris Saint-Germain daah furay daqiiqadii 3 aad ayaa noqday da’yarka tartanka Champions Leaque ugu goolasha badan laakiin sidoo kale Edinson Cavani ayaa kulankiisii 7 aad oo xidhiidh ah ee tartanka Champions Leaque gool ka dhaliyay halka Di Maria iyo Neymar jr ay min hal gool dhaliyeen.

Dhinaca kale Manchester United ayaa guul waqti danbe ku qaadatay ka soo gaadhay kooxda Benfica iyada oo Marcus Rashfrod uu gool ka dhaliyay meel aan laga filayn kadib markii uu qalad xun sameeyay goolhayaha da’yarka ah ee kooxda Benfica ee Svilar kaas oo kubbad laaga xorta ahayd oo uu Rashfrod meel fog ka soo tuuray goolkiisa la dhex galay  taas oo United siisay in ay 1-0 ku soo garaacdo Benfica.

Manchester United ayaa sii wadatay guulaha boqlkiiba boqolka ah ee ay kaga soo jirtay Champions Leaque iyada oo 9 dhibcood ka heshay saddexdii kulan ee laga soo ciyaaray UEFA Champions Leaque. Waxaana ku soo xigta Basel oo 6 dhibcood shaqaysatay.

became the Champions League’s highest-scoring teenager and Edinson Cavani netted in a seventh consecutive European match as ‘s procession towards the knockout stages continued with a 4-0 defeat of Anderlecht.

Dhamaadkii kulankii Manchester United iyo Benfica waxaa kaadhka cas loo taagay xidiga kooxda Benfica ee Luisão kadib markii uu qaadatay kaadhka labad ee digniinta ah balse waxay ahayd xili ay waxwalba dhamaadeen.

Bayern Munich ayaa dhinaceeda 3-0 ku dubatay Celtic kadib markii uu macalinkii hore ee Jupp Heynckes uu waayihisia cusub ee Allianz Arena uu ku bilawday guul wayn isaga oo dib u soo celiyay farxadii Bavaria kadib guuldaradii PSG ee shaqadii Carlo Ancelotti galaafatay.

Bayern Muncich ayaa guushan ku soo gaadhay goolal ay kala dhaliyeen Thomas  Müller (17)  Kimmich (29) iyo Mats Hummels (51) waxayna sii dileen rajadii Celtic ay qabtay in ay u soo bixi karto wareega 16 ka kooxood ee Champions Leaque.

Kooxda Juventus ayaa dhinaca kale u dhigtay gool ay Sporting Lisbon kaga hormartay kulankii Turin ka dhacay waxayna Old Lady guushan ku gaadhay 2-1 iyada oo Mario Mandzukic uu dhalyay goolka guusha oo xili danbe ay la timid halka  Alex Sandro  uu goolka furitaanka iska dhaliyay si uu Sporting u siiyo bilaabasho fiican laakiin M. Pjanić ayaa Juventus u keenay goolka barbaraha intii ayna ciyaarta si buuxda ugu soo laaban.

Haddaba halkan Kaga Bogo Dhamaan Natiijooyinkii Siddeedii Kulan Ee Caawa La Ciyaaray Oo Dhamaystiran:

Comments

comments