Man United Mise Liverpool? – Jadon Sancho Oo Diyaar U Ah Inuu Borussia Dortmund Iskaga Baxo Suuqa January & Kooxda Ku Dhaw Oo La Ogaaday.

Advertisements

Xiddigii hore ee horyaalka Premier League ee Jan Aage Fjortoft ayaa war cusub ka bixiyay mustaqbalka da’yarka ree England ee kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho kaas oo lala xidhiidhinayo kooxo ay ugu horreeyaan Manchester United iyo Liverpool.

Liverpool ayaa mudo lala xidhiidhinayay inay u dhaqaaqayso saxeexa 19 sano jirkan balse waxa la filayay inay cadaadis kala kulmi doono Manchester iyadoo sidoo kale aysan meesha ka maqnayn Man City iyo Real Madrid.

Natiijada sawirka Jan Aage Fjortoft

Fjortoft oo haatan door khabiirnimo uga hawl-gala saxaafada kubadda cagta ayaa qaba in kooxda uu hoggaanka u yahay Jurgen Klopp ee Liverpool ay tahay mida ugu dhaw dhaw saxeexa Sancho sida uu ka helayo il wareedyo aad u fiican oo Germany ah.

Fjortoft ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo daabacay “War ka yimid il aad u wanaagsan oo Germany ah ayaa ah in xiddiga heerka caalami ee England ee Sancho uu ugu dhaw yahay inuu ku jihaysto Liverpool”.

Intaa kaddib Jan Aage Fjortoft  ayaa markale bartiisa Twitter-ka ku sheegay in heshiiskii uu Jadon Sancho ugu soo biiray Dortmund sanadkii 2017 ee uu kaga yimid Man City uusan lahayn wax lacag ah oo cayiman oo lagu bur-burin karo.

Advertisements

Ugu dambayn, Weeraryahankii hore ee kooxaha Middlesbrough iyo Barnsley ayaa sheegaya in kooxda ree Germany ay aqbali karto qiime qiyaastii 130 Milyan oo Pound ah.

Advertisements