Man United, Man City & Tottenham Oo Ixtiraam Darro U Muujiyay Shirkii UEFA Ee VAR & Tababarayasha Kooxahaas Oo Farriin Culus Loo Diray.

Tababarayasha kala ah Pep Guardiola, Mauricio Pochettino iyo Ole Gunnar Solskjaer ayaa dhammaantood lagu soo eedeeyay inay ixtiraam darro muujiyeen kaddib markii ay ka maqnaadeen shirkii UEFA ee aalada VAR oo dhawaan lagu isticmaali doono Champions League.

Kaliya shan tababare oo kamid ah tababarayasha 16-ka kooxood ee iskugu soo hadhay wareega 16-ka Champions League ayaa si rasmi ah uga qayb galay shirkii ka dhacay Frankfurt oo lagaga waramayay sida VAR ka cusub loo isticmaali doono inta ka dhiman tartankaas xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaan sidoo kale wax xubin ah u dirsan shirkaas balse kooxdaas ayaa lagu sheegay mid mashquul ku ahayd horyaalka Premier League oo ay wakhtiga shirka ciyaarayeen balse madaxweynaha UEFA ee Aleksander Ceferin ayaa ka cadhooday kooxahaas aan soo xusnay oo aan cidnaba u wakiilan shirka.

SIDOO KALE AKHRISO:  Koox La Liga Ka Dhisan Oo Ku Maadeysatay Madaxweyne Donald Trump Kaasoo Sheegay Inuu Doonayo Inuu Iibsado Jasiirada Greenland Ee Denmark

Intii lagu gudo jiray shirka ayuu madaxa garsoorka UEFA ee Roberto Rosetti ka hadlay aragtida ah “VAR wali maaha mid sax ah” Isaga oo yidhi “Filashadu waa mid sarreysa, Muraayada markasta waxa daba fadhiya ibni aadam”

Haddaba, Ceferin ayaa sheegay in macalimiinta kooxaha maqan aysan marnaba wax cabatin ah ka keeni doonin VAR isaga oo sheegay in tababarayasha sida rasmiga ah uga soo qayb galay ay ka socdeen kooxaha Juventus, Lyon, Paris St-Germain, Roma iyo Porto.

“Liverpool way ciyaaraysay sidaa darteed ma aysan iman karayn, Badh waxa ay soo direen tababarayaal ku xigeen, Badh waxa ay soo direen shaqaale kale oo suuq geynta ah”

SIDOO KALE AKHRISO:  HORDHAC: Chelsea vs Liverpool, Lampard vs Klopp - Faah-Faahinta Kulanka UEFA SUPER CUP Ee Caawa & Shaxaha Macquulka Ah.

“Maaha kaliya ixtiraam darro Roberto Rosetti ah balse saamaynta tababarayashu waa mid weyn, Haddii ay eedaynayaan garsoorka waa inay ugu yaraan yimaadaan oo ay arkaan waxa ay khubaradu ka leeyihiin VAR, Sidaa darteed maya, Ma haystaan wax cudur daar ah intaa wax ka badan gaar ahaan kuwa aan kasoo qayb galin”