Man United, Liverpool & Tottenham Oo War Cusub Ka Helay Tartankooda Bruno Fernandes & Madaxweynaha Sporting Lisbon Oo Waxay Ku Heli Karaan U Sheegay.

Madaxweynaha kooxda Sporting Lisbon ee Frederico Varandas ayaa war cusub siiyay kooxaha Premier League ee Liverpool, Manchester United iyo Tottenham kuwaas oo raacasho ugu jiray khadka dhexe ee kooxdiisa ee Sporting Lisbon.

Kooxda inta ugu badan lala xidhiidhinayo saxeexa Fernandes ayaa ah Man United taas oo xataa la sheegay inay heshiiska shaqsiga ah la meel dhigtay.

Wakiilka xiddiga ree Portugal ayaa la sheegay inuu shalay oo Arbaca ahayd soo gaadhay carriga England si uu halkaas Red Devils ugula ansixiyo heshiis uu Bruno toddobaadkii ku qaadan doono 100,000 kun oo gini.

Si kasta oo ay tahay iyo koox kasta oo helaysa Fernandes ayaa raaci doonta hadalka madaxweyne Frederico Varandas kaas oo sheegay in koox kasta oo saxeexiisa doonaysaa ay bixin doonto lacag rekoodhka kooxda ee suuqa noqday.

Varandas ayaa yidhi “Waxa uu noqon karaa iibkii ugu qaalisana ee Sporting, Iibka ugu qaalisan haatan waa Joao Mario oo 40 Milyan oo euros ah waxa jiray kaliya wadahadalo Bruno Fernandes ah haatan”

“Waxaan kaliya odhan karaa haddii uu tago ciyaartoy anaga na siin kara Malaayiin, Waxaanu diyaar u noqon doonaa inaanu weerarno suuqa anaga oo marakasta qaab xoogan u weerarayna”

“Waxaan doonayaa in Bruno Fernandes uu joogo laakiin qofkasta wuu og yahay xaalada haatan” Ayuu hadalkiisa kusoo xidhay madaxweynaha Sporting oo laab kac ku ridaya kooxaha doonaya saxeexa Fernandes.

24 jirkan ayaa xilli ciyaareed aad u wanaagsan kusoo qaatay Sporting waxaana uu kulamada horyaalka oo kaliya kasoo dhaliyay 20 gool halka uu 13 kale caawiye kasoo noqday isaga oo kooxdiisa ku hoggaamiyay booska saddexaad ee kala sarreynta.