Man United, Liverpool & Arsenal Oo Ku Tartamaya Xidig Isku Soo Muujiyay Borussia Dortmund.

Kooxaha Premier league ee Manchester United, Liverpool iyo Arsenal ayaa ku tartamaya xidiga kooxda Borussia Dortmund ee Jacob Bruun-Larsen kaas oo xili ciyaareedkii la soo dhaafay soo jiitahay indhaha kooxaha waa wayn ee Ingiriiska.

Sida uu shaaciyay wargayska Daily Mirror, kooxaha Manchester United, Liverpool iyo Arsenal ayaa ku tartamaya saxiixa da’yarka kooxda Dortmund ee Jacob Bruun-Larsen.

Madixii shaqaalaysiinta kooxda Arsenal ee Sven Mislintat ayaa maamulka Emirates Stadium kula taliyay in ay la soo saxiixdaan 20 sano jirka kooxda Dortmund isku soo muujiyay ee Jacob Bruun-Larsen.

Jurgen Klopp ayaa isna ka war hayay horumarka uu sameeyay da’yarkan reer Denmark ee Jacob Bruun-Larsen wuxuuna xiiso u hayaa sidii uu Liverpool u keeni lahaa balse waxaa jira tartan uu kala kulmayo kooxaha waa wayn ee Premier league.

Dhinaca kale Manchester United oo badashay siyaasada suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee kooxdeeda ayaa doonaysa in Jacob Bruun-Larsen uu ka mid noqdo mashruuca xidigaha da’yarta ah lagu keenayo Old Trafford.

Man United ayaa gabi ahaanba u muuqata kuwo badalay siyaasadii ay suuqa ka lahaayeen kadib markii ay labadii saxiix ee ugu horeeyay noqdeen ciyaartoy da’yar ah balse hibo ciyaareed oo fiican leh.

Jacob Bruun-Larsen ayaa lagu qiimaynayaa 15 milyan gini inkasta oo ay suurtogal tahay in Borussia Dortmund ay lacag ka badan ku dalban doonto maadaama oo ay saddex kooxood oo Premier league ahi isku garbinayaan da’yarkan.

Jacob Bruun-Larsen oo 20 sano jir ah ayaa xili ciyaareedkii la soo dhaafay kooxdiisa u soo saftay 30 kulan wuxuuna ku soo lug lahaa 17 gool taas oo keentay in uu xiiso ka helo kooxaha waa wayn.

Si kastaba ha ahaatee, Borussia Dortmund oo lumisay Christian Pulisic oo Chelsea ku biiray ayaan doonayn in ay iibiso Jacob Bruun-Larsen balse haddii ay dalab sare u hesho waxaa la filayaa in ay aqbali karto.