“Man United Isaga Uma Ogolaan Karto Inuu Chelsea Ku Biiro” – Halyeeyga Red Devils Ee Darren Fletcher Oo U Sheegay Kooxdiisii Weeraryahanka Ay Tahay Inay Chelsea Kaga Horreeyaan.

Advertisements

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Darren Fletcher ayaa u sheegay kooxdiisii hore in kooxda ay Premier League ku xifaaltamaan ee Chelsea aysan u ogolaanin inay kaga horreyso saxeexa weeraryahan Edinson Cavani oo baxsad ka ah PSG.

Advertisements

Waxa sii badanaya baahida Manchester ee suuqa bishan January gaar ahaan aragtida ah inay weeraryahan cusub u baahan yihiin kaddib dhaawaca halista ah ee dhabarka ka gaadhay Marcus Rashford oo booskaas uga ciyaarayay.

Image result for Cavani

Fletcher ayaa aaminsan in Manchester ay u baahan tahay inay lasoo saxeexato weeraryahan iyo khadka dhexe ee Sporting Lisbon ee Bruno Fernandes bishan January.

“Malaha waxay u baahan yihiin weeraryahan (Inay la saxeexdaan), Bruno Fernandes iyo weeraryahan, Xaaladaas weeyaan wakhtigan” Ayuu hadalkiisa ku bilaabay Fletcher oo u warramayay BBC Sport.

“Haddii uu Cavani yahay mid la heli karo, Waxa jira hadal ah inuu tagayo Chelsea….Manchester United uma ogolaan karto Cavani inuu tago Chelsea”.

“Anigu ma hubo (Haddii ay Chelsea doonayso Cavani), iyo haddii ay tahay Atletico Madrid, Laakiin haddii uu tagayo Chelsea ma jirto fursad ay Manchester United ku ogolaan karto inay midaasi dhacdo, Waa inay hubaal ka dhigaan inuu Old Trafford yimaado”.

Waxa sii kordhaya tirada weeraryahanada lala xidhiidhinayo u dhaqaaqista Old Trafford gudaha bishan waxaana uu xiddigii ugu dambeeyay ahaa Carlos Tevez oo haatan ah 35 sano jir ku sugan Argentina 11 sano kahorna ka baxay United.

Advertisements