Man United Ayaa LABA Sababood Dartood Caqabad Ugu Ah In Arsenal Ay La Saxeexato Wilfred Zaha & Unai Emery Oo Qorshe Cusub Keenay.

Tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa ku qasbanaaday inuu keeno qorshe cusub oo uu ku doonayo inuu kooxdiisa kusoo kordhiyo garabka kooxda Crystal Palace ee Wilfred Zaha.

Waxa in mudo ah soo socday wararka Zaha la xidhiidhinaya Arsenal balse wararkaas ayaa heer kale gaadhay kaddib markii xiddiga qudhiisu uu si cad u sheegay inuu taageere mudo dheer ah usoo ahaa Gunners.

Sida uu shaaciyay wariyaha BBC ee David Ornstein, Arsenal ayaa dhigeeda Palace miiska u saartay dalab 40 Milyan ah oo ay Zaha ku doonayeen balse Eagles ayaa gabi ahaanba kusoo gacan saydhay dalabkaas.

Crystal Palace ayaa xiddigeeda ku qiimaynaysa 80 Milyan waana lacag ka badan guud ahaan lacagta ay mulkiilayaasha Arsenal ugu talo galeen suuqa oo dhan.

Heshiiska uu haatan weeraryahanka Ivory Coast ku joogo Selhurst Park ayaa ah mid gaadhsiisan ilaa 2023 isaga oo aan lahayn wax qiimo xadidan ah oo heshiiskiisa lagu bur-burin karo mushahar ahaana toddobaadkii u qaata 130,000 kun.

Iyadoo ay dantaasi jirto ayuu haatan Emery keenay qorshe cusub sida laga soo xiganayo wargeyska The Times kooxda ayaana doonaysa inay iska fasaxdo xiddigaha mushaharka badan kooxdeeda ka qaata sida Ozil iyo Mkhitaryan si ay maal-gelin u hesho.

Dhinaca kale waxa jirta caqabad ay si dadban Man United ugu tahay in Gunners ay helaan saxeexa Zaha, Waa sababta koowaade Eagles ayaan doonayn inay iibiyaan xiddig kale oo muhiim ah kaddib bixitaankii Aaron Wan-Bissaka oo Red Devils u wareegay.

Caqabada labaad ayaa ah in Man United ay markasta 25% ku yeelan doonto heshiis uu Zaha kaga baxo Crystal Palace kaas oo kooxdan ku qasbaysa inay kor u qaado qiimaha ay ku iibinayso xiddigeeda.