Man City Oo Guul Wayn Ka Soo Gaadhay Everton, Sky Blues Oo Hal Guul U Jirta Koobka Premier League Iyo Kulanka Manchester Derby Oo Ay Diiradu Hayso.

Manchester City ayaa guul wayn ka soo gaadhay kooxda Everton oo ay afka gashatay qaybtii hore ee kulankan waxanaa min hal gool dhaliyay Leroy Sane, Gabriel Jesus iyo Raheem Sterling halka David Silva uu laba gool caawineed sameeyay. Man City ayaa hadda u baahan hal guul oo kaliya si ay u noqoto Championska England waxayna hadda jamaahiirta City isha ku hayaan kulakan Manchester Derby.

Manchester City ayaa duufaano iyo dayblo aan la loojin karin qaybtii hore ee kulankan ku noqotay kooxda martida loo ahaa ee Everton, waxayna kooxda Guardiola u muuqatay mid si buuxda u dareemaysay talaabada ay u jirtay kooba Premier League waxayna Everton ka dhigtay kuwo la ceebeeyay oo aan waxtar lahayn.

DAQIIQADII 4 AAD ee bilawgii ciyaarta waxaa bandhiga Manchester City laxanka saaray David Silva kaas oo caawiye u noqday da’yarka bandhiga cajiibka ah samaynaya ee Leroy Sane kaas oo goolka furitaanka wadnaha hoose ugu jaray Everton wuxuuna Sane ciyaarta ka dhigay 1-0 ay City hogaanka kula wareegtay.

DAQIIQADII 12 AAD Manchester City ayaa heshay goolkeeda labaad ee ay xaalada ugu sii xumaysay Everton waxaana goolkan u saxiixay Gabriel Jesus  kaas oo markiisa caawin ka helay boqorka gool caawinta premier league ee Kevin De Bruyne wuxuuna da’yarka ree Brazil ciyaarta ka dhigay 2-0 ay City xili horeba ku dubanayso Everton.

Manchester City ayaa noqotay mid kubbad ahaan, boosishan ahaan iyo natiijada ahaanba burburisay Everton waxayn au muuqdeen kuwo sida cirka iyo dhulka isku ah, laakiin kooxda Guardiola ayaa doonaysay in ay qaybtii hore ee ciyaarta goolal badan dhaliso.

DAQIIQADII 37 AAD Manchester City ayaa hurdada u dirtay ciyaarta kadib markii uu David Silva  sameeyay caawintiisii labaad ee kulankan wuxuuna markan sabab u noqday in Raheem Sterling uu dhaliyo goolka saddeexaad ee ciyaarta waxayna noqotay ciyaartu mid dhinac kaliya ka socota iyada oo natiijadu isku badashay 3-0 bilaa jawaab ah oo ay kooxda Guardiola guusha ugu taagan tahay.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa dhamaatay iyada oo Everton ka cabsi qabtay in ceeb wayn ay la sii kulanto laakiin kooxda Manchester City ayaa u muuqatay in qaybtii labaad ay hoos u dhigtay dardartii ay goolasha badan kula timid halka Everton ay qaybtii labaad dagaal ugu jirtay in ay goolasha iska soo kala gurto.

DAQIIQADII 63 AAD ayay ahayd markii ay jamaahiirta martida loo ahaa ee Everton woxogaa ku diirsadeen goolka kaliya ee ay kooxdoodu kalankan ka dhalisay waxaana shabaqa Ederson uu nadiifta la doonayay ka diiday Bolasie  kaas oo caawin ka helay Calvert-Lewin .

Laakiin Everton ayaan awoodin in ay wax goolal kale ah la timaado halka Manchester City ay masuuliyad iska saartay in halkii ay goolal kale raadin lahayd ay si sahlan u xafidato natiijada ay guusha ugu taagnayd taas oo noqotay mid ay ku guulaysteen.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-1 ay Manchester City ugu soo awood sheegatay Everton waxayna hadda kooxda Guardiola u baahan tahay hal guul oo kaliya si ay koobka Premier league ugu guulaysto waxayna taas samayn kartaa kulanka Manchester Derby oo jamaahiirta Sky Blues mid khaas ah u noqon kara haddii ayna Mourinho iyo colkiisu taas iska diidin.

Manchester City ayaa rekoodh cusub oo kooxdeeda ah soo dhigtay iyada oo kulankii 13 aad oo ay marti tahay xili ciyaareedkan soo guulaysatay.

1 Comment

Comments are closed.