Man City Oo Guul Soo Laabasho Cajiib Ah Ku Qalbi Jabisay Swansea City Oo Laba Gool Kala Hormartay Iyo Sky Blues Oo U Soo Baxday Afar Dhamaadka FA Cupka.

Manchester City ayaa guul soo laabasho cajiib ah ka soo gaadhay kooxda Swansea City oo 2-0 hogaanka ciyaarta kaga haysay ilaa intii la soo gaadhayay daqiiqadii 69 aad laakiin kooxda Guaridola ayaa awooday in ay dhinaca kale natiijadan ugu dhigtay waqtiga kooban ee ay haysteen.

Bernardo Silva ayaa ahaa xidigii soo celiyay rajada Man City wuxuuna dhaliyay goolkii furitaanka ee Man City laakiin gool uu Sergio Aguero rekoodhihiisa qasaarin lahaa ayay kubbadu ku sii dhacday goolhayaha Swansea City waxayna sidaa Man City ku heshay goolka barbaraha labaad.

Laakiin dhamaadkii ciyaarta Sergio Aguero ayaa awooday in uu Man City ka badbaadiyay waqtiga sii dheeraan lahaa ee ciyaarta wuxuuna dhaliyay goolka saddexaad ee ay guushan ku soo gaadhay.

Man City ayaa u soo baxday afar dhamaadka FA Cupka iyaga oo wali sii wata rajada ah in ay afarta koob ee xili ciyareedkan u wada dagaalamaan.

SHAXDII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Manchester City XI (4-3-3): Ederson; Kyle Walker, Aymeric Laporte, Nicolas Otamendi, Fabian Delph; David Silva, Ilkay Gundogan, Bernardo Silva; Riyad Mahrez, Gabriel Jesus, Leroy Sane

Kaydka: Arijanet Muric, Danilo, Raheem Sterling, Phil Foden, Sergio Aguero, Oleksandr Zinchenko, Eric Garcia

Swansea City XI (4-2-3-1): Kristoffer Nordfeldt; Connor Roberts, Mike van der Hoorn, Cameron Carter-Vickers, Matt Grimes; George Byers, Jay Fulton; Wayne Routledge, Bersant Celina, Nathan Dyer; Daniel James

Kaydka: Joel Asoro, Declan John, Yan Dhanda, Erwin Mulder, Barrie McKay, Courtney Baker-Richardson, Cian Harries

DAQIIQADII 20 aad Swansea City ayaa hogaanka ciyaarta kula wareegtay kadib markii uu M. Grimes gool u sarifay rekoodhe lagu abaal mariyay waxayna kooxda martida loo ahaa ku bilaabtay qaab ciyaareed cajiib ah oo ay xaalad adag ugu abuureen Man City. Ciyaarta ayaa noqotay 1-0 ay Swansea City hogaanka kula wareegtay.

DAQIIQADII 29 aad xidigii hore ee Man City ee B. Celina ayaa gool cajiib ah ugu labeeyay kooxda Swansea City isaga oo waliba dhamaystiray kubbad si qurux badan looga soo shaqeeyay waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay Swansea City hogaanka ku dheeraysatay.

Inkasta oo ay Manchester City fursado cajiib ah heshay haddana qaybtii hore ee kulankan waxay kooxda Guardiola awoodi wayday in ay ciyaarta ku soo laabtaan waxaana lagu kala nastay 2-0 ay Swansea City hogaanka ciyaarta ku haysay.

Daqiiqadii 69 aad ee qaybtii labaad ee ciyaarta Bernardo Silva ayaa hurdada ka soo kiciyay kooxdiisa Man CIty wuxuuna dhaliyay goolka saamaynta wayn yeeshay ee ay Man City sida buuxda ciyaarta ugu soo laabtay wuxuuna Bernardo Silva goolkan ku dhaliyay kubbad caawin uu ka helay Sergio Aguero.

Ciyaarta ayaa noqotay 2-1 ay wali Swansea City ku horayso laakiin ay Man City heshay wixii ay doonaysay oo ahaa goolka furitaanka si ay rajadeeda ugu dagaalanto.

Daqiiqadii 78 aad Man City ayaa ciyaarta si buuxda ugu soo laabtay kadib markii ay heshay goolkeeda labaad wuxuuna ahaa gool uu Sergio Aguero rekoodhe ku tuuray laakiin uu birta ku garaacay isla markaana ay kubbadu ku sii dhacday goolhayaha Swansea ee Nordfeldt waxayna ciyaartu noqotay barbaro 2-2 ah.

Daqiiqadii 88 aad Man City ayaa ugu danbayn dhinaca kale u dhigtay natiijadii ciyaarta ee labada gool looga hor maray waxaana goolka saddexaad u saxiixay Sergio Aguero kaas oo dhamaystiray kubbad caawin uu ka helay Bernardo Silva.

Swansea City ayaa qalbi jab la kulantay kadib markii ay lumisay labadii gool ee ay hogaanka ciyaarta ku haysay isla markaana ay xataa sii lumisay in ay barbaro ciyaarta ku hayso waqtiga kooban ee ka hadhsnaa ciyaarta ayaa noqotay 3-2 ay City dhinaca kale u dhigtay waqtigii ugu muhiimsanaa.


Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-2 ay Man City ku soo qalbi jabisay kooxda Swansea City oo iska lumisay fursada ay labada gool hogaanka ugu haysay waxayna City u soo baxday afar dhamaadka FA Cupka.