MAN CITY 6-0 CHELSEA: Sky Blues Oo Fadeexadii & Bahdilaadii Ugu Xumayd Chelsea Ku Baday Etihad Stadium, Sergio Aguero Oo Saddexley Taariikh Ku Dhigay Iyo City Oo Fariin Layaableh U Dirtay Liverpool.

Manchester City ayaa Etihad Stadium ku xasuuqday Chelsea iyada oo kooxda Guardiola fariin layaableh u dirtay kooxda ay koobka Premier league ku tartamayaan ee Liverpool. Manchester City ayaa guusha iyo saddexda dhibcood ee kulankan isku hubsatay qaybtii hore ee kulankan iyada oo 4-0 hogaanka ku haysay qaybtii hore ee kulankan.

Chelsea ayaa qaab ciyaareed musiibo ah kala soo muuqatay Etihad Stadium halka Manchester City ay muujisay sababta ay u tahay kooxda aan si sahlan looga dhaqaajin karin difaacashada koobka Premier league waxayna City markale sii qabtay hogaanka Premier league oo farqiga goolasha ku sii qabtay ka hor inta ayna Liverpool kulankeeda Man United la ciyaarin.

Sergio Aguero ayaa markale kooxdiisa Manchester City saddexley goolal ah u dhaliyay isaga oo laba gool dhaliyay qaybtii hore ee kulankan halka qaybtii labaad uu raacsaday gool rekoodhe ahaa waxayna Man City guushan ku gaadhay 6-0 iyada oo Blues la soo kulantay waji gabax iyo fadeexad aan sharaxaad loo heli karin.

Chelsea ayaa lumisay fursadii ay kaalinta afraad ugu soo laaban lahayd waxayna hadda arkayaan Manchester United oo ay sagaal dhibcood ka sareeyeen oo hadda kaalinta afraad kala baxday.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

CHELSEA (4-3-3): Kepa Arrizabalaga; Cesar Azpilicueta, Antonio Rudiger, David Luiz, Marcos Alonso; N’Golo Kante, Jorginho, Ross Barkley; Pedro, Gonzalo Higuain, Eden Hazard.

Kaydka: Mateo Kovacic, Ruben Loftus-Cheek, Andreas Christensen, Willian, Willy Caballero, Emerson, Olivier Giroud.

MANCHESTER CITY (4-3-3): Ederson; Kyle Walker, John Stones, Aymeric Laporte, Oleksandr Zinchenko; Ilkay Gundogan, Fernandinho, Kevin De Bruyne; Bernardo Silva, Sergio Aguero, Raheem Sterling.

Kaydka: David Silva, Gabriel Jesus, Danilo, Arijanet Muric, Leroy Sane, Nicolas Otamendi, Riyad Mahrez.

Manchester City ayaa qaadatay qaybtii ciyaarta ee hore oo dhamaystiran waxayna wax walba oo dhibaato ah ku abuurtay Chelsea oo garan wayday qaabkii ay ku joojin lahayd weerarka uu Guardiola kulankan u soo xushay waxayna Blues ahayd koox meel kasta oo garoonka ah ku liidatay.

SIDOO KALE AKHRISO:  UEFA Oo Jawaab Ka Bixisay Haddii Goolhayaha Liverpool Adrian Uu Jabiyay Sharciga Rigoorayaasha Markii Uu Kubada Ka Badbaadinayay Abraham

Daqiiqadii 4 aad waxaa Manchester City goolasha daadka ahaa ee kulankan u daah furay Raheem Sterling oo ay Chelsea garan wayday qaab ay ku joojiso wuxuuna Sterling dhaliyay goolka furitaanka ee ay naxdintiisa ka soo kabsan kari wayday Blues isaga oo ciyaarta ka dhigay 1-0 ay markiiba Sky Blues hogaanka kula wareegtay.

Daqiiqadii 13 aad Sergio Aguero ayaa laxanka saaray jiibta iyo jaabta ay Manchester City kulankan bilawgiisiiba iskula heshay wuxuuna Aguero dhaliyay goolka labaad ee kooxdiisa City kadib markii uu caawin ka helay Zinchenko waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay Man City ku heshay goolka labaad ee kalsoonida.

Daqiiqadii 19 aad Sergio Aguero ayaa markiiba la Manchester City u dhaliyay goolkiisa labaad iyo kan saddexaad ee kooxdiisa kadib markii ay Blues isku dhex yaacday isla markaana ay iska saari kari waayeen karoos uu soo tuuray Zinchenko laakiin Barkley oo isku dayay in uu kubbada saaro ayaa Aguero siiyay fursada uu goolkan ku dhaliyay iyada oo waliba Aguero uu si qurux badan u sugay fursada uu Kepa sida cajiibka ah ugu garaacay waxayna ciyaartu noqotay 3-0 ay Man City markiiba ku dubanayso Chelsea.

Daqiiqadii 25 aad Ilkay Gundogan ayaa ciyaarta si buuxda hurdada ugu diray kadib markii uu dhamaystiray kubbad uu taakal ku sameeyay Rudiger laakiin ayna Blues markale si fiican ula tacaalin wuxuuna Gudogan dhaliyay goolkii afraad ee Chelsea sida rasmiga ah ugu burburtay.

Qaybtii hore ee ciyaarta Manchester City ayaan wax naxariis ah u muujin kooxda kala daadsanayd ee uu Sarri kala soo muuqday Etihad Stadium, waxaana lagu kala nastay 4-0 ay Man City saddexda dhibcood ugu sii ridatay jeebka sare balse ay wali doonayeen in ay fariinta ku sii kordhiyaan Liverpool.

SIDOO KALE AKHRISO:  HORDHAC: Man United vs Chelsea- Solskjaer Vs Lampard- Kulanka Furitaanka Premier League Ugu Wayn Oo Old Trafford Ka Qabsoomaya.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ee ay wax yar socotay ayuu Sarri ciyaarta ka saaray Ross Barkley wuxuuna ciyaarta soo galiyay Kovačić laakiin Manchester City ayaa wali ahayd kooxda kubbada waxa ay doonto garoonka kaga samaynaysay.

Daqiiqadii 54 aad REKOODHE!! Musiibadu kali uma timaado! Chelsea ayaa lagu ciqaabay rekoodhe kadib markii uu Azpilicueta qalad ku galay Raheem Sterling oo bandhigiisii ugu fiicnaa ee xili ciyaareedkan soo bandhigay waxaana kubbada qaatay Sergio Aguero kaas oo jahada qaldan u diray goolhaye Kepa wuxuuna sidaa Aguero ku dhamaystirtay saddexleyda uu kulankan ka dhaliyay.

TAARIIKH: Sergio Aguero ayaa noqday xidigii labaad ee taariikhda Premier league saddexleydii ugu badnayd ka soo dhaliyay wuxuuna dhaliyay seddexleydiisii 11 aad ee Premier leauge wuxuuna sidaa ku barbareeyay rekoodhkii taariikhiga ahaa ee uu Alan Shearer waqtiga dheer soo haystay.

Daqiiqadii 65 aad Guardiola ayaa ciyaarta ka saaray halyayga kooxdiisa saddexleyda u dhaliyay ee Sergio Aguero wuxuuna ciyaarta soo galiyay Gabriel Jesus kaas oo markiisa bilaabay in uu dhibaatada Chelsea ee daalka badani ka muuqday uu dardar soo kordhiyay. Sarri ayaa isna waqtigan ciyaarta soo galiyay R. Loftus-Cheek wuxuuna saari Pedro oo si xun u fashilmay.

Chelsea ayaa awoodi kari wayday in ay kubbada isku dhiiban karto, waxa kale oo ku adkaatay in ay difaacasho fiican samayso, balse waxaaba ka darnayd in ay kubbada ay si aad u liidata ugu luminayeen ciyaartoyda Man City ee u muuqday in ay xarun tababar joogaan.

Daqiiqadii 68 aad Guardiola ayaa Riyad Mahrez ciyaarta soo galiyay si uu qayb uga noqdo farxada wayn ee Etihad Stadium taalay wuxuuna saaray Kevin De Bruyne oo bandhig layaableh sameeyay waxayna markan ciyaartu noqotay mid ay wali City goolal dheeraad ah ku raadinaysay.

SIDOO KALE AKHRISO:  Kulanka Furitaanka La Liga Ee Bilbao, Xaalada Lionel Messi, Wararka Neymar Jr Iyo Waxyaabihii Uu Ernesto Valverde Ka Hadlay Ka Hor Kulanka San Mames.

20 kii daqiiqo ee ugu danbeeyay markii la galay Sarri ayaa ciyaarta soo galiyay Emerson wuxuuna saaray Marcos Alonso laakiin Guardiola ayaa markan ka fikiray in uu daqiiqado nasiino ah siiyo Fernandinho wuxuuna ciyaarta soo galiyay David Silva.

Daqiiqadii 80 aad Raheem Sterling ayaa dhaliyay goolka lixaad ee ceebtii Chelsea si laba jibaaray wuxuuna ahaa gool uu ciyaartan uga qalmay maadaama oo uu ahaa mid ay ciyaartoyda Blues faraha ka qaadeen isla markaana ay joojin kari waayeen, wuxuuna Sterling si sahlan goolkan ugu dhaliyay kubbad uu Zinchenko soo hor mariyay goolka Chelsea waxayna ciyaartu noqotay 6-0 ay City ku burburinayso baaqigii Blues ka sii hadhsnaa.

Ugu danbayn Chelsea oo ka cabsi qabta in goolka todobaad laga dhaliyo ayuu garsoore Mike Dean ciyaarta soo dhameeyay waxayna wax walba noqdeen lama filaan iyo amakaag ay jamaahiirta Blues iyo kuwa caalamku kala kulmeen natiijada kulan si wayn loo sugayay.

Guusha iyo xasuuqay ay Manchester City u gaysatay Chelsea waxay fariinta ugu wayn u tahay kooxda koobka Premier league ay ku tartamayaan ee Liverpool waxayna City kulanan ka heshay wax wayna koox kale oo dhan xili ciyaareedkan ka helin waana saddex dhicbood iyo lix gool oo nadiif ah oo ay xataa koobka Premier league ugu guulaysan karaan.

Lixda gool ee ay Man City guushan ku gaadhay waxay saddex ka mid ah ku soo ceshatay saddexdii gool ee ay xalay Liverpool ku sii badisay waxayna saddexda kale ku kordhisatay farqigii goolasha ee ay hore u haysatay, waxayna hadda City hogaanka Premier league ku sii qabtay farqiga goolasha inkasta oo ay kulan dheeraad ah ciyaartay.