Majalada Caanka Ah Ee FourFourTwo Oo Saartay 101-Kii Ciyaartoy Ee Kubbada Cagta Aduunka Ugu Fiicnaa 25-kii Sanadood Ee Ugu Danbeeyay.

Majalada caanka ah ee FourFourTwo oo u dabaal degaysa sanad guurada 25 aad ee ka soo wareegtay aas aaskeedii ayaa qiimayn cusub soo saartay.

Majalada FourFourTwo oo 25 sano jirsatay ayaa qiimayn ay soo saartay waxaa lagu shaaciyay liiska 101 dii ciyaartoy ee kubbada cagta aduunka ugu fiicnaa 25 kii sano ee ugu danbeeyay.

Majalada FourFourTwo ayaa Lionel Messi u dooratay in uu yahay xidiga kubbada cagta aduunka ugu fiicnaa 25 kii sanadood ee la soo dhaafay wuxuuna kaalinta kowaad ka galay qiimaynta ay sameeyeen.

Cristiano Ronaldo ayaa kaalinta labaad ka galay qiimaynta majalada FourFourTwo ee 25 kii sanadood ee la soo dhaafay halka Zinedine Zidane uu kaalinta saddexaad ku jiro.

Halayygii reer Brazil ee Ronaldo ayaa kaalinta afraad ku fadhiya halka saaxiibkiisii hore ee Ronaldinho uu kaalinta shanaad kaga soo baxay qiimaynta FourFourTwo ee ciyaartoyda 25 kii sanadood ee ugu danbeeyay kubbada cagta ugu fiicnaa.

Henry oo ka soo ciyaaray kooxaha Arsenal iyo Barcelona ayaa kaalinta lixaad kaga soo baxay qiimaynta 25 kii sanadood ee ugu danbeeyay ee lagu sameeyay majalada FourFourTwo.

Xavi Hernandez iyo saaxiibtkiisii hore ee Barcelona ee Andres Iniesta ayaa kaalinta todobaad iyo siddeedaad ku soo kala baxay sida ay u kala horeeyaan.

Maldini iyo Baggio ayaa dhamaystiray tobanka ciyaartoy ee kubbada cagta aduunka ugu fiicnaa 25 kii sanadood ee la soo dhaafay ee ay majalada FourFourTwo qiimaynta ku samaysay.

Halkan kaga bogo Liiska 101 da ciyaartoy ee ay majalada caanka ah ee FourFourTwo  u aqoonsatay kuwii kubbada cagta aduunka ugu fiicnaa 25 kii sanadood ee la soo dhaafay.

Haddaba akhriste, miyaad qiimayntan u aragtaa mid si dhab ah uga turjumaysa xaqiiqda wax qabadkii ciyaartoyda liiskan ku soo baxday ee lagu qiimeeyay kuwii ugu fiicnaa 25 kii sanadood ee ugu danbeeyay.