Magacyo Waa Wayn Oo Fashilmay, Xidigihii Ismuujiyay Iyo Qiimaynta Kulankii Adkaa Ee Ay Liverpool Guusha Ka Gaadhay Brighton.

Advertisements

Liverpool ayaa ka badbaaday cabsi xili danbe ka soo wajahday kooxda Brighton oo Anfield marti ku ahayd kadib markii kaadhka cas loo taagay goolhaye Alisson isla markaana ay Brighton gool keensatay.

Laakiin Reds ayaa awooday in ay ciyaarta ku dhamaysay guul 2-1 ah si ay hogaanka Premier League ugu qabto 11 dhibcood oo saafi ah taas oo cadaadis wayn ku ah kooxda koobkan difaacanaysa ee Man City.

Liverpool waxaa guushan ka caawiyay Virgil Van Dijk oo laba gool dhaliyay qaybtii hore ee ciyaarta kadib markii uu laba gool caawin ka helay Trent Alexander-Arnold oo sii watay hal abuurka layaabka leh ee 2019.

Trent Alexander-Arnold ayaa noqday xidiga ugu gool caawinta badan Premier League sanadkan 2019 waxayna Reds awooday in ay cabsi xili danbe ah ka badbaaday.

Advertisements

Haddaba waxaanu halkan idiinku haynaa qiimayntii ciyaartoyda kooxaha Liverpool iyo Brighton ee kulankii ay Reds guusha muhiimka ah ku gaadhay.

XIDIGII GAROONKA: Xidiga kooxda Brighton ee Lewis Dunk oo dhaliyay goolkii cabsida badan Liverpool ku abuuray ayaa loo doortay xidigii garoonka ugu fiicnaa inkasta oo Van Dijk uu laba gool dhaliyay.

Lewis Dunk ayaa bandhig wayn u sameeyay kooxdiisa Brighton balse waxay ku fashilmeen in ay hal dhibic oo ay u dagaalamayeen ilaa dhamaadkii ciyaarta heli kari waayeen.

Goolhaye Alisson ayaa qiimayn liidata ku helay kaadhkii casaanka ahaa ee uu qaatay halka Mohamed Salah uu ka mid noqday ciyaartoyda fashilantay ee kulankan aan wax muhiim ah ka samayn.

Goolhayaha Brighton ee Ryan ayaa isna qiimayn sare ku helay in uu Liverpool ka beeniyay fursado badan oo ay ciyaarta xili hore ku dili kareen.

Qiimaynta ciyaartoyda Liverpool iyo Brighton:

Liverpool: Alisson (5), Alexander-Arnold (7), Van Dijk (8), Lovren (7), Robertson (6), Wijnaldum (6), Henderson (6), Oxlade-Chamberlain (7), Mane (7), Salah (5), Firmino (6)

Subs: Lallana (6), Adrian (5), Origi (6)

Brighton: Ryan (8), Montoya (7), Dunk (8), Webster (6), Burn (6), Gross (7), Stephens (6), Propper (6), Bissouma (6), Mooy (6), Connolly (7)

Subs: Trossard (7), Alzate (6), Maupay (6)

Man of the match: 

Maxaa Liverpool u xigi doona Kulanka Brighton?

Liverpool waxay arbacada  soo dhawayn doontaa kooxda ay colaada wayni ka dhexayso ee Everton waana kulanka Merseyside derby oo uu Alisson Becker seegi doono iyada oo Adrian uu markale fursad heli doono kadib waxay Reds sabtida u safri doontaa Bournemouth.

Advertisements