MADRID DERBY: Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay Faah Faahinta Kulanka Finalka UEFA Super Cup Ee Real Madrid Vs Atletico Madrid.

Guushii ay xalay Real Madrid ka gaadhay Liverpool ee finalkii UEFA Champions League ayaa sabab u noqotay in kulan Madrid Derby ahi uu ka soo baxay finalka UEFA Super Cup, waxaana koobkan ku loolami doona kooxaha caasimada Madrid ka dhisan oo barbareeyay rekoodhka magaalada Milan oo hore u haysatay magaalada rekoodhka magaalada kaliya ee laba kooxood oo ka dhisani ay hal xili ciyaareed kuwada guulaysteen labada koob ee UEFA.

Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa markale colaadooda u wareejin doona tartanka Yurub iyaga oo ku xifiltami doona koobka UEFA Super Cup ee ay wada ciyaaraan kooxaha ku soo kala guulaysta Europa League iyo Champions league. Kooxaha horyaalka Yurub ayaa si buuxda u qabsaday tartamada yurub tobankii sano ee la soo dhaafay.

Haddaba shabakada Gool24.net ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa xog faah faahsan oo la xidhiidha kulanka finalka UEFA Super Cupka ee kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid ay ku tartami doonaan iyada oo sidoo kale aanu xog dheeraad ah idiinka hayno.

Goormaa La Ciyaari Doonaa Finalka UEFA Super Cup? Halkeese Lagau Qaban doonaa kulankaan?

Kulanka finalka UEFA Super Cupka waxaa la ciyaari doonaa August 15,2018 waxaana sanadkan marti galinaya  dalka Estonia gaar ahaan magaalada Tallinn waxayna ciyaarta kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid ka qabsoomi doontaa garoonka Lilleküla Stadium.

Waa Markii Imisaad ee Ay Laba Kooxood oo Ree Madrid Ahi Ku Tartamaan UEFA Super Cupka?

Waa markii ugu horaysay taariikhda ee laba kooxood oo Madrid ka soo jeedaa ay ku tartamayaan finalka UEFA Super Cupka, laakiin waa markii afraad shantii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay oo ay laba kooxood oo ree Spain ahi ku tartamayaan finalka UEFA Super Cupka.

Waa Sideed Rekoodhka Rekoodhka Real Madrid iyo Atletico Madrid ee tartanka kooxaha Yurub?

Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa 9 kulan ku soo xifiltamay tartamada kooxaha Yurub, waxaana 5 jeer soo guulaysatay Real Madrid halka 2 kulan ay Atletico Madrid soo guulaysatay waxaana barbaro ku dhamaaday 2 kulan oo kale.

Waa sidee Rekoodhka Real Madrid ee Finalka UEFA Super Cup Ee Sanadihii La Soo Dhaafay?

Real Madrid ayaa soo guulaysatay afar ka mid ah lixdii kulan UEFA Super Cup ee ay soo ciyaartay, waxaana ka mid ah labadii ugu danbeeyay oo ay ku soo wada guulaysatay, waxayna Real Madrid markale noqon kartaa kooxdii ugu horaysay ee UEFA Super Cup markii saddexaad oo xidhiidh ah ku guulaysata.

Waa Sidee Rekoodhka Atletico Madrid ee finalka UEFA Super Cup ee Sanadihii La Soo Dhaafay?

Atletico Madrid ayaa haysata rekoodh boqolkiibaba boqol ah oo finalka UEFA Super Cup ah iyada oo koobkan ku soo guulaysatay labadii jeer ee hore ee ay Europa League soo qaaday oo kala ahaa 2010 kii iyo 2012 kii iyada oo Inter Milan 2-0 ku garaacday 2010 kii halka markale ay 4-1 ku xasuuqday Chelsea finalkii UEFA Super Cup ee 2012kii.

Miyaa hore final tartanka kooxaha Yurub ah loogu qabtay dalka Estonia?

Waxay noqon doontaa markii ugu horaysay taariikhda ee kulan final tartamada kooxaha yurub ah lagu qabanayo dalka Estonia, laakiin waxay hore u marti galiyeen tartanka da’yarta qaramada Yurub ee U-19 sanadkii 2012 kii. Sanadkan 2018 waxa uu jamhuuriyada Estonia u yahay muddo qarni ah oo ku beegan markii la sameeyay Republic of Estonia.

Magaalada Talinn ee marti galin doonta koobka UEFA Super Cup ayaa ku biiray magaalooyinkii hore koobkan u soo marti galiyay sanadihii la soo dhaafay oo kala ahaa Prague (2013), Cardiff (2014), Tbilisi (2015), Trondheim (2016) iyo Skopje (2017) waana tan iyo markii magaalada Monco oo si joogto ah u marti galin jirtayh koobkan laga wareejiyay.