Madaxweynaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Afrika Oo Si Cad U Sheegay In Salah Uu U Qalmo Abaal Marinta FIFA The Best Inuu Ku Garaaco Xidigaha Ronaldo Iyo Modric.

Madaxweynaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Afrika ee (CAF) Ahmad Ahmad ayaa amaanay xidiga xulka qaranka Masar iyo kooxda Liverpool Mohamed Salah, kadib markii uu qeyb kasoo noqday liiska saddexda xidig ku dagaalami doonta abaal marinta FIFA The Best, waxaana kula dagaalami doono abaal marintan xidigaha Cristiano Ronaldo iyo Luka Modric.

Xidhiidhka kubada cagta aduunka ee FIFA ayaa shalay ku dhawaaqay seddexda ciyaaryahan ee liiskan isugu soo hartay, kuwaasoo kala ah laacibka kooxda Liverpool iyo xulka qaranka Masar ee Mohamed Salah, Cristiano Ronaldo oo dhawaan ku biiray kooxda Juventus iyo laacibka khadka dhexe kooxda Real Madrid ee Luka Modrić.

Madaxweynaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Afrika Ahmad Ahmad ayaa dhankiisa sheegay in Mohamed Salah ay dhinac kasta u garab istaagi doonaan si uu abaal marintan ugu guraaco xidigaha Cristiano Ronaldo iyo Luka Modric.

Hadaba guuleystaha abaal marintan laacibka sanadka ee FIFA The Best ayaa lagu dhawaaqi doonaa 24 bishan haatan socota ee September, iyadoo sidoo kale laga war qabo in Mohamed Salah uu qeyb ka ahaa liiska saddexda xidig isugu soo hartay abaal marinta laacibka sanadka ee Yurub uu dhawaan kaga guuleestay Luka Modric.

Madaxweynaha Xidhiidhka Kubadda Cagta qaarada Afrika Ahmad Ahmad ayaa wuxuu ugu horeyn sheegay: “Guusha uu gaaro Mohamed Salah kuma koobna kaliya dalk Masar, ee waxay sharaf weyn u tahay guud ahaan Africa oo dhan”.

Ahmad Ahmad ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Mohamed Ilo sharafeed weyn u yahay kubada cagta Afrika, waan taageersanahay marxaladda soo socota si aan kaga guuleysano abaalmarintan xidigaha Cristiano Ronaldo iyo Luka Modrić”.

Madaxweynaha Xidhiidhka Kubadda Cagta qaarada Afrika ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Aad ayaan ugu taageeri doonaa inuu ku guuleysto abaal marintan, tan iyo wax qabadkiisa cajiibka ahaa uu ka sameeyay xili ciyaareedkii lasoo dhaafay”.