Haddii Ay Real Madrid Ku Guulaysato Koobka Champions League Markii Saddexaad Oo Xidhiidh Ah, Tartanku Wuu Xiiso Beelayaa, UEFA-na Waa In Ay Door Bido In Ay Liverpool Ku Guulaysato.

Madaxweynihii hore waaxda sharciga ee xidhiidhka kubada cagta qaarada yurub ee UEFA Thomas Grimm isla markaana hadda ah madaxweynaha xidhiidhka kubada cagta ee Ukraine ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu xiiso beeli doono tartanka UEFA Champions League, hadii ay Real Madrid ku guuleysato, taasoo noqoneysa markii saddexaad oo xidhiidh ah.

Thomas Grimm ayaa sheegay hadal muran dhaliyay isaga oo aaminsan in UEFA ay door bidayso in Liverpool ay xili ciyaareedkan ku guulaysato koobka Champions League si aanu xiiso beelin koobka kooxaha Yurub ee Champions League maadaama oo ay labadii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay ay Madrid koobkan ku soo guulaysatay.

Ka dib markii Real Madrid ay ku guuleysatay Champions League labadii sanno ee la soo dhaafay, waxay xili ciyaareedkan oo markii saddexaad xidhiidh ah ay soo gaareen finalka waxay markan isku arki doonaan kooxda reer England ee Liverpool, wuxuuna kulankan caasimada Ukraine ka dhici doonaa 26 bishan May.

Laakiin madaxweynihii hore waaxda sharciga ee xidhiidhka kubada cagta qaarada yurub Thomas Grimm oo arintan ka hadlay kahor kulanka finalka UCL ayaa wuxuu yidhi: “Real waxay heysataan ciyaaryahano waa weyn, laakiin hadii ay ku guuleystaan Champions League mar seddexaad oo isku xigta, waxay dili doontaa xiisaha tartankan”.

Thomas Grimm ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Waxaa fiicnaan lahayd in tartanka UEFA Champions League ay ku guuleysato markan koox kale, marka loo fiiriyo xidhiidhka kubada cagta ee yurub ahaan waxaa u wanaagsan xili ciyaareedkan in ay ku guuleystao koobka Champions League kooxda Liverpool”.

Si kastaba kooxaha Real Madrid iyo Liverpool ayaa waxay haatan ku gudi jiraan isku diyaarin tooda kulanka finaka UEFA Champions League ee xili ciyaareedkan la qorshooyay in uu ka dhaco magaa Kiev ee caasimada dalka Ukraine.