Madaxweynaha Xidhiidhka Kubada Cagta Ee Dalka Spain Luis Rubiales Uu Weerar Ku Qaaday Real Madrid Kadib Marka Ay La Saxiixatay Julen Lopetegui.

Madaxweynaha xidhiidhka kubada cagta ee dalka Spain Luis Rubiales ayaa wuxuu xaqiijiyay in Real Madrid ay ka fikirtay kaliya danteeda, kadib marka ay la saxiixatay macalinkii hore xulka qaranka Spain Julen Lopetegui.

Luis Rubiales ayaa war saxaafadeed uu ku bixiyay radio “Cadena COPE” ee dalka Spain kaga hadlay: “Shalay waxaan la hadlay Florentino Perez, ma aanan doodin laakiin wanaan ka dhigay inuu arko sida ay wax u dhaceen”.

Madaxweynaha xidhiidhka kubada cagta ee dalka Spain ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Real Madrid waxay ka fikirtay kaliya danihiisa gaarka ah, ma wanaagsana, inaan sharciga la beegsano ilaa iyo heer maxkamadeed”.

“Waxa uusan qofka sameyn Karin ayaa ah inuu qeyb ka noqdo go’aano saddex geesood ah, waxaan soo dhaweyn lahaa wada hadalada, hadii uu Julen Lopetegui wax walba ii sheegi lahaa”.

Intaas kadib Luis Rubiales ayaa wuxuu ka hadlay xidhiidhka kala dhexeeya Real Madrid sida uu haatan yahay wuxuuna yidhi: “Xiriir fiican ayaan la leeyahay, waxaana u rajeenayaa isaga guul iyo hormar, laakiin kama cafin doono ogaal la’aanteena wada hadaladii uu la furtay Real Madrid”.

“Julen Lopetegui ma ahayn inuu sii joogo xulka, sababa la xidhiidha in shaqaaluhu uu xidhiidh kale sameeyay inagoon ka war qabin”.

“Wax yar ka hor kadib ku dhawaaqista, waxaan la xidhiidhay kooxda Real Madrid, waxbana ma aanan ogeyn, waxaan ka dalbaday Florentino Perez  iyo Lopetegui inaysan waxba sameynin, laakiin waxay soo saareen war rasmi ah”.

Luis Rubiales  ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Wuxuu leeyahay marmarsiiyo laakiin waxaan lahaa go’aan, waxaan kula dhaqmay sida dadka qaangaarka ah, waxaan la dhacsanahay shaqadiisa, laakiin kama fileynin inuu sidaas sameeyo, waana sababta aan u go’aansaday in shaqada aan ka casilo”.