Madaxweynaha Xidhiidhka Kubada Cagta Dalka France Noel Le Graet Oo Xaqiijiyay In Deschamps Uu Sii Leylin Doono France Ilaa Iyo 2022, Muxuuse Ka Yidhi Zidane?

Madaxweynaha xidhiidhka kubada cagta dalka France Noël Le Graët ayaa xaqiijiyay maanta in Didier Deschamps uu sii ahaanayo macalinka xulka qaranka ilaa sanada 2022, sida heshiiska labada dhinac ku xusan.

Noël Le Graet ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay wararka ku aadan in Didier Deschamps uu shaqada ka tagi doono, kadib markii uu xulka qaranka france ku hogaamiyay ku guuleysiga koobka aduunka 2018.

Madaxweynaha xidhiidhka kubada cagta dalka France ayaa wateysi uu ku bixiyay “BFM” wuxuu kaga hadlay mustaqbalka tababare Didier Deschamps wuxuuna yidhi: “Didier Deschamps wuxuu sii jiri doonaa shaqada xulka qaranka France illaa 2022. Anigu xitaa waxaan shaqada aan hayo sii wadi doonaa ilaa isla sanadkaas”.

Intaas kadib waxaa wax laga weydiiyay Madaxweynaha xidhiidhka kubada cagta dalka France Noël Le Graët suurtagalnimada Zidane uu tababare ugu noqon karo xulka France wuxuuna yidhi: “Ma helin wax macluumaad ah ee ku saabsan rabitaankiisa Zidane ee ah in tababare u noqdo France”.

Si kastaba Madaxweynaha xidhiidhka kubada cagta dalka France Noël Le Graët ayaa amaanay shaqada uu ka qabtay Didier Deschamps xulka France wuxuuna yidhi: “Deschamps waa nin shaqeenaya, mana ka tagayo meel u baahan hagaajin”.