Madaxweynaha Xidhiidhka Kubada Cagta Dalka Argantina Claudio Tapia Oo Ka Hadlay Mustaqbalka Lionel Messi Ee Xulka Qaranka Tango.

Madaxweynaha xidhiidhka kubada cagta dalka Argantina Claudio Tapia ayaa sheegay in mustaqbalka Lionel Messi ee xulka qaranka Tango uu wali kala cadeyn, isagoo sheegay inay ka shaqeyn doonaan sida ay ku dhisi lahaayeen koox cusub, isagoo dhinaca kale xaqiijiyay in muhiimada ugu weyn ay tahay ku guuleysiga koobka aduunka ee soo aadan.

Claudio Tapia ayaa wareysi uu kaga hadlayay Lionel Messi ku sheegay: “Waxaan qabaa in Messi uusan ku sii jiri doonin xulka qaranka Argantina  ilaa sanadka soo aadan, waxaan la wadaagay fariin, waxaan filiyaa inuu sii wadi doono u ciyaarista xulka”.

Madaxweynaha xidhiidhka kubada cagta dalka Argantina ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Laakiin waxaan dooneynaa inaan ka tagno oo aan bilowno mashruuceena, ka dibna waxaan la hadli doonaa isaga sanadka soo socda”.

Claudio Tapia ayaa sii raacsaday: “Wuxuu jecel yahay xulka qaranka, anaga ahaan Argantina waxaan u baahanahay isaga, waxaan qaadnay mas’uuliyadaha, waxaanan dhaleeceeynaa wax badan, laakiin dhamaadka sheekada waa mid leyska ilaabo, Haatan waxaan bilaabi doonaa mashruuceena Koobka Adduunka ee soo socota waan arki doonaa”.

Tapia ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Ujeedkeenu ma ahan inaan ku guuleysano Copa America sanadka soo socda, waxaan dooneynaa inaan u shaqeyno Koobka Adduunka ee 2022. Waa inaan heysanaa tababare bisha August, Gallardo waa tababaraha aan doonayo, laakiin way adag tahay”.

Waxaa xusid mudan in xulka qaranka Argantina uu ku haray wareega 16-ka koobka aduunka 2018 ee dhawaan lagu soo xidhay dalka Russia, kadib markii uu guuldaro 4-3 kala kulmay xulka France, taasoo keentay inuu baxo macalinkii hore ee Jorge Sampaoli.